Hub ay ciidamo uu tababarray dalka Imaaraadka ka boobeen xerada Gen. Gordon ee magaalada Muqdisho ayaa lagu kala iibsanaya Suuqyada Hubka magaalada Muqdisho.
In ku dhow 700 qori oo nooca AK 47 ah ayaa la sheegay in laga bililiqeystay xeradka Imaaraadku ka baxay ee Gen. Gordon, degmada Hodon, magaalada Muqdisho markii iska hor imaad ka dhacay maalintii Isniintii, waxaana hubkaasi qaar ka mida laga iibiyey Ganacsatada Hubka oo wakaalada wararka ee Rueters tusiyey qaar ka mida qoryahaasi.
Qoryaha ayaa la sheegay inay ku qoran tahay calaamadda SO XDS oo ah calaamad muujineysa inay leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay dalka keentay Imaaraadka laguna soo sameeyay dalka Shiinaha.
Ganacsade lagu magacaabo Jaamac Cali ayaa sheegay in ilaa 599 ilaa 700 qori laga boobay xerada Gordon, iyadoo askartii soo dhacday looga iibiyay lacag dhan $700, iyadoo qiime ahaan ay caadiyan joogaan $1350.
Wakaalada wararka Reuters oo caadiyan si weyn u buunbuunisa dhibaatada Soomaaliya ayaa muuqata inay si weyn uga badbadisay xaaldda iyo wixii ka dhacay xerada Jen. Gordon maalintii Isniintii.