Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Human rights Watch oo Dembi dagaal ku tilmaantay weerarkii lagu laayay Qaxootiga Soomaalida [Warbixin HRW]

    Human rights Watch oo Dembi dagaal ku tilmaantay weerarkii lagu laayay Qaxootiga Soomaalida [Warbixin HRW]

    March 26, 2017Updated:March 26, 20178 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    (Beyruut) – Sida muuqata weerarkii ay xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ku qaaday doon dad rayid ah oo Soomaali ah marineysay xeebta Yaman, ayaa muujinaya baahida loo qabo isla xisaabtan, iyadoo colaadda hubaysan ee dalkaasi ay hadda gashay sanadkii labaad, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay maanta.

    Dhowr goobjoogayaal ah ayaa sheegay in 16-kii Maarso 2017, ay diyaarad helikobtar ah duqeysay doonta, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof oo ka mid ah 145 qaxooti Soomaali ah oo doonta saarnaa iyo qof rayid ah oo Yaman u dhashay. 29 qof oo kale oo ay ku jiraan 6 carruur ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana la la’ yahay 10 qof. Sawiro maalintii xigtay doonta laga qaaday ayaa muujinaya burbur kasoo gaaray rasaas hawada looga soo riday.

    Burbur ka muuqda goob ay bulshada ku kulanto oo ku taalla caasimadda Yaman ee Sanca, taasoo ay diyaaradaha xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo weerarreen 8-dii Oktoobar 2016, xilligaasi oo ay goobta ka socotay munaasabad aas ah.
    Burbur ka muuqda goob ay bulshada ku kulanto oo ku taalla caasimadda Yaman ee Sanca, taasoo ay diyaaradaha xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo weerarreen 8-dii Oktoobar 2016, xilligaasi oo ay goobta ka socotay munaasabad aas ah. © 2016 Xuquuqda sawirka Khalid Cabdullah/Reuters

    Dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda ayaa beeniyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarkaasi. Balse xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo keliya ayaa leh diyaarado dagaal, halka xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax aanay lahayn awooddaasi. Dowladda Soomaaliya oo taageerta xulafada ayaa ku baaqday in dalalka isbahaysanaya ay baaritaan ku sameeyaan weerarkaasi. Balse xulafada ayaa marar badan muujisay in aanay awoodin ama diyaar u ahayn baaritaan micno leh oo ku aaddan tacaddiyada ay ciidamadeeda geystaan.

    “Duqeynta iska cad ee ay xulafadu u geysatay doonta ay qaxootiga ka buuxeen, ayaa ah falkii ugu dambeeyay ee suuragal ah in uu yahay dembi dagaal oo ay ka fulisay Yaman inta uu socday dagaalka hadda laba sana jirsaday,” ayay tiri Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha Human rights Watch ee Bariga Dhexe. Waxa ay intaa raacisay “Taxadar la’aanta iyo tixgelin la’aanta noolasha dadka rayidka ah ayaa gaartay heer xun oo aan horay loo arag.”

    Mid ka mid ah shaqaalihii afarta ahaa ee Yaman u dhashay ee doonta la socday, ayaa u sheegay Human Rights Watch in marka uu weerarka dhacayay ay marayeen meel 50 kilo mitir u jirta dekadda Xudeyda, iyagoo ka cararayay dagaalka ka socda dalkaasi. Galabtaasi, naaquudaha doonta ayaa rakaabkiisa u sheegay in ay aamusaan maadaama ay ku safri doonaan “meel khatar ah” sida ay Human Rights Watch u sheegeen laba qof oo doonta saarnaa. Markii ay muddo kooban safarka ku jireen, ayaa doonta waxaa soo aaday markab, kaasoo shaqaalaha ku amray in ay doonta joojiyaan, balse amarkaasi ma aanay dhagaysan.

    Afar qof oo doonta saarnaa ayaa sheegay in abaare 9-kii fiidnimo ay arkeen diyaarad helikobtar ah oo si aan kala go’ lahayn rasaas ugu furtay doonta. Haweeney Soomaali qaxooti ah oo 25 jir ah, kuna dhaawacantay weerarkaasi ayaa tiri “Si lama filaan ah ayaa waxaan u arkay diyaarad helikobtar ah oo na dul taagan…. Degdeg ayay noo weerartay….. Markii ay rasaasta nala dhacday ayaa dadkeena Carabiga ku hadli karay waxaan ku qeylinay “Soomaali ayaan nahay!” Haweeney kale ayaa sheegtay in uu ku dhacay firirka madfac. Mid ka mid ah shaqaalaha doonta iyo weliba rakaabka qaarkood ayaa sheegay in markab dagaal uu gantaallo kusoo riday doonta.

    Weerarka ka dib ayaa doonta waxa ay kusoo xiratay dekadda Xudeyda abaare 4:30 aroornimo. Madaxa dekadda kalluumaysiga, Daa’uud Fadel ayaa yiri “Waxaan weynay goob aan dhigno meydadka, sidaa awgeed waxaan ku qasbanaanay in aan gelino halka aan ku kaydino kalluunka.” Wadani kale ayaa sheegay in dadka cisbitaallada la geeyay ay ku jireen 15 nin oo qabay dhaawacyo kasoo gaaray rasaas iyo firir kale.

    Xulafada uu hogaaminayo Sacuudiha iyo xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ee isku dhinaca ah ayaa beeniyay in ay fuliyeen weerarka. Wakaaladda wararka ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beenisay in ciidamada dalkaasi ay ka qeyb qaateen weerarka, waxaana ay sheegtay in ay soo dhaweynayaan in baaritaan caalami ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen. Dalalka xubnaha ka ah xulafada ayaa leh maraakiib dagaal oo ilaaliya marinnada dekadda Xudeyda oo ay gacanta ku hayaan xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa daacadda u ah Cali Cabdalla Saalax. Maraykanka oo isna dalka Yaman ka fuliya duqeymo uu la beegsanayo Al-Qaacidada halkaa ku sugan ayaa beeniyay in uu weerarka fuliyay.

    Shuruucda dagaalka ayaa dhigaya in weerarrada sida ula kaca ah dadka rayidka ah loogu qaado ay yihiin dembiyo dagaal.

    Tan iyo 26-kii Maarso 2015, xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo oo gacan ka helaya Maraykanka, ayaa weerarro milateri ku qaaday Xuutiyiinta iyo xooggaga daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yaman, Cali Cabdalla Saalax. Xulafada ayaa geysatay duqeymo badan oo si sharci darro ah ugu dhacday guryo, goobo suuq ah, cisbitaallo iyo weliba iskuullo.

    Xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ayaa dhankooda si aan kala sooc lahayn u duqeeyay xaafado, waxaana ay askareeyeen carruur, iyagoona xiray isla markaana meel ay geeyeen la waayay dad badan oo rayid ah. Tan iyo markii uu bilowday dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 4,773 qof oo rayid ah, halka dhaawacana uu gaaray 8,272 qof, kuwaasoo intooda badan ay sababeen duqeymaha xulafada, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

    Haraadiga baal ku rakibnaa gantaal ah nooca GBU-12 Paveway II ee lagu hago qalabka layserka, laguna sameeyay Maraykanka. Waxaa laga helay meel u dhaw ceelasha biyaha ee Arhab ee ka tirsan gobolka Sanca, halkaas oo ugu yaraan 31 qof oo rayid ah duqeyn lagu
    Haraadiga baal ku rakibnaa gantaal ah nooca GBU-12 Paveway II ee lagu hago qalabka layserka, laguna sameeyay Maraykanka. Waxaa laga helay meel u dhaw ceelasha biyaha ee Arhab ee ka tirsan gobolka Sanca, halkaas oo ugu yaraan 31 qof oo rayid ah duqeyn lagu dilay 10-kii Sebtembar 2016. Sida ku cad waqtiga la sameeyay gantaalka iyo weliba lambarka qaran ee keydinta, baalkan waxaa Oktoobar 2015 sameeyay shirkadda Raytheon oo ah mid qandaraasyada difaaca ka qaadata Maraykanka. © 2016 Xuquuqda sawirka Priyanka Motaparthy / Human Rights Watch
     

    Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay 62 duqeyn oo sida muuqata ay si sharci darro ah u geysteen diyaaradaha xulafada, kuwaasoo qaarkood ay noqon karaan dembiyo dagaal, waxaana weerarradaasi ku dhintay 900 oo qof oo rayid ah. Sidoo kale Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay todoba weerar oo aan loo meel dayin, kuwaasoo ay xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ka fuliyeen Cadan iyo Taacis, ayna ku dhinteen 139 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 8 carruur ah. Human Rights Watch ayaa sidoo kale diiwaangelisay in xooggaga Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ay adeegsadeen miinooyinka mamnuuca ah, halka xulafadana ay adeegsatay bambooyinka sii firdha ee mamnuuca ah. Labada dhinacba waxa ay horjoogsadeen ama xadideen in gargaar muhiim ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

    23-kii Maarso, madaxa guddiga xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi baaritaan oo caalami ah, isla markaana madax bannaan, kaasoo baaritaan ku sameeya eedeymaha ah in dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Yaman ay ku xadgudbeen shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo kuwa bani’aadannimada, baaqaasi oo ah mid ay marar badan jeediyeen hay’adaha qaran, kuwa gobolka iyo weliba kuwa caalamiga ah labadii sano ee lasoo dhaafay.

    Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Sebtembar ee 2016 ku guulaysan waayay in uu sameeyo baaritaan buuxa oo gooni u taagan, balse waxa uu meelmariyay qaraar awood u siinaya xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay in uu Yaman geeyo khubaro dheeraad ah oo xuquuqda aadanaha ku xeeldheer, si ay u baaraan tacaddiyada ay geysteen dhinacyada oo dhan. Dowladuhu waa in ay si buuxda u taageeraan awooddaasi baaritaan ee la siiyay xafiiska, maadaama aanu jirin baaritaan gooni u taagan oo caalami ah, ayay tiri Human Rights Watch.

    Xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ayaa samaysay koox wadajir ah oo qiimeysa dhacdooyinka, taasoo durbadiiba ku guuldaraysatay in ay gaarto heerka caalamiga ah. Kooxdaasi ayaa go’aamisay in xulafada aanay mas’uul ka ahayn 17 dhacdo oo ay ilaa hadda baartay, waxaana ay soo bandhigtay natiijooyin si weyn uga duwan kuwa Qaramada Midoobay iyo ururada kale.

    Inkastoo ay xulafada fulisay weerarro sharciga ka baxsan, ayaa haddana Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxa ay weli Sacuudiga ka iibiyaan hub ku kaca balaayiin doolar. Human Rights Watch uma suuragalin in ay ogaato dalka ay diyaaradiisu weerartay doonta qaxootiga, balse waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ansixisay shati diyaaradaha helikobtarka ay uga iibin karto uguna dayactiri karto dalalka Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Urdun. Dowladuhu waa in ay hakiyaan dhammaan hubka ay ka iibiyaan Sacuudi Carabiya, maadaama ay qeyb ka noqon karaan weerarrada sharci darrada ah ee ay xulafada fuliso, ayay tiri Human Rights Watch.

    “Inkastoo ay jiraan caddeymo sii badanaya oo muujinaya tacaddiyada xulafada, ayaa haddana Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxa ay u muuqdaan kuwo diiradda saaraya in ay hub ka iibiyaan Sacuudiga, halkii ay ka fikiri lahaayeen suuragalnimada ah in ay qeyb ka yihiin dembiyadda dagaal ee ay geysaneyso xulafada,” ayay tiri Whitson oo intaa ku dartay “Ka dib laba sano oo weerarro sharci darro ah ay ku hayeen dadka rayidka ah iyo goobahooda, waa in dalalka saaxiibka la ah Sacuudi Carabiya ay dib uga fikiraan taageerada ay siiyaan waddankaasi, ayna culeys ku saaraan sidii ay xukuumadda Riyadh usoo afjari lahayd xadgudubyada.”

    Human rights Watch Qaxooti Yeman Yeman
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho & Qofkii watay oo dirqi uga badbaaday
    Next Article Golaha Wasiirada cusub oo taageero u raadsaday awood aan la fileyn & kulamo ka socda Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo