Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Wadaadka Mukhaar Roobow Cali ayaa beeniyay qoraal kasoo baxya Hay’adda NISA oo lagu faahfaahiyey xaaladiisa nololeed, laguna sheegay inuu jawi fiican ku nool yahay.
Wuxuu sheegay inay ugu danbeysay aragtidiisa Janaayo 2019, markaas oo odayaal ay u tageen isagoo ku xiran Xarunta Habar Khadiijo ee Hay’adda NISA, kadibna la waayay xiririkiisa, loona diiday inay cidna aragto iyo dhammaan qoyskiisa.
“Si cad ayaa loogu been abuurtay Sheekh Mukhtar Roobow, xaaladiisa caafimaadkiisa iyo qoyskiisa. Waxaa iigu danbeysay Janaayo 2019, markaas oo uu ku afduubnaa Xarunta NISA.. waxaan maqalnay codkiisa oo liita isagoo wareysi siinaya VOA… Ma naqaan haddii xaas kale ay ku dareen, waana wax nagu cusub, laakiin cid u tagtay ma jirto..” ayuu yiri Ibraahim Roobow oo wareysi siiyay BBC-da.
Wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow uu caddeeyay mowqifkiisa iyo inuu yahay muwaadin ka baxay fekerkiisii hore, kana hadlay Telefishanka dowladda Soomaaliya.
Ibraahim Roobow Wuxuu ka codsaday Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka Amniga in baaritaan lagu sameeyo xaaladiisa iyo been abuurka NISA faafisay.
