Idaacadda iyo TV-ga Goobjoog ayaa shaaciyay inay hawada ka maqnaan doonaan, taasoo ay ugu wacan tahay qasaaraha kasoo gaaray qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.
Qoraal ay Warbaahinta Goobjoog soo dhigtay baraha bulshada ayay dadka kula wadaagay inay hawada ka maqnaan doonaan Warbaahinadooda kala ah Goobjoog TV, Goobjoog FM iyo Gool FM, iyadoo uu waxyeelo kasoo gaartay Qarixii Isgoyska Zoope.
Xarunta Goobjoog Media ayaa ku taalla meel u dhow Isgoyska Zope, iyadoo warbaahin kale sida xarunta Aljazeera ay halkaas ku taallo.
SAWIRRO