Wafdigii wakiilada Beesha caalamka ee shalay tegay magaalada Garowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland oo sii wada kulamadoodii ayaa kulan ay la yeesheen Odayaasha iyo Isimada Puntland natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii la isku mari waayay.
Isimada Puntland ayaa qoraal ay gudbiyeen ku cadeeyay inaysan ogoleyn qaabka 4.5 iyo in lagu sii jiro awood qeybsigaasi oo xuquuq badan uga maqan tahay sida ay sheegeen, waxaana dood dhex martay labada dhinac ay ku soo dhammaatay inaysan odayaashu ogoleyn qaab doorasho oo aan ahayn degaan.
Intii uu shirka socday Ergeyga IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa shirka soo gabagabeeyay isagoo su’aal adag hor dhigay Isimada Puntland sidaas oo shirka lagu soo gabagabeeyay.
Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa Isimada Puntland weydiiyay inay hayaan qaab looga gudbo xaaladda oo lagu helo nidaam doorasho, wuxuuna u sii daba dhigay inay Soomaalida kale ka dhaadhiciyaan sida ay iyagu wax u rabaan inay la qaataan, haddii aanay taasi keeni karina ay Soomaalida kale oo ka badan dhinac raacaan, beesha wakiilada calaamka ee la joogana ay ka sugayaan labadaas arrim middood.
Mid kamida odayaasha ayaa sheegay inay IGAD ka sugeyso qorshe iyo qaab doorasho oo looga gudbi karo xaaladda hadda jirta, sidaaso oo shirku ku soo afjarmay.
Wadani.com