Urur Goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen dalalaka Geeska iyo Bariga Afrika ayaa muddooyinkii danbe isu bedelay naadi ay leeyihiin labdaa dal ee Itoobiya iyo Kenya, taasoo keentay inay ka diidmo aan la shaacin kala hor yimaadaan dalalka kale.
Shirkii ugu danbeeyay ee inta badan madaxda dalalka IGAD isugu tageen magaalada Adis ababa ayaa lagu go’aamiyey in Guddoonka ururka ay mar kale la wareegto Kenya, iyadoo fulinta ay Itoobiya qabaneyso, waxaana taageeray dalalka kale ee IGAD marka laga reebo Jabuuti iyo Eretrea, waxaana dowladda Jabuuti ay si cad u diiday arrintaasi.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dalka Jabuuti tegay maanta, iyadoo la sheegay inuu madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlayo arrinta IGAD, waxaana hore xoghayaha fulinta oo Kenya heysay sanado badan laga hor istaagay Soomaaliya oo markii danbe isaga hartay, kadib markii ay isbaheysteen Kenya iyo Itoobiya.
Wasiirkii hore Arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu ayaa xilka xoghayaha guud ee fulinta IGAD loo magacaabayaa, iyadoo gudoonka IGAD ay la wareegti doonto Kenya, waxaana xilalkan si weyn u doonayey dalalka Somaaliya iyo Jabuuti oo ka mida aasaasayaasha IGAD, laakiin dibadda uma soo bixin walaaca iyo diidmada ay qabaan labada dal.
Eritrea ayaa muddo dheer ka maqneyd IGAD, waxayna diiday inay dib ugu soo laabato kadib markii ay heshiiska la gashay Itoobiya, iyadoo ka gows qabsatay qaabka uu ururkani u shaqeeyo, waxaana uu hadda sii luminayaa kalsoonida 8-da dal ee ka midka ah oo laba maahee inta kale ay marti ka noqdeen.
Dalalka IGAD ku jira waxay kala yihiin: Itoobiya, Kenya, Sudan, Somalia, Jabuuti, South Sudan, Uganda iyo Eritrea. Kenya iyo Itoobiya ayaa hore isaga kaashaday inaan ergey ka socda Jabuuti loo magacaabin arrimaha Soomaaliya, taasoo keentay in ergeyhaasi loo magacaabo wakiilka IGAD ee South Sudan, halka Soomaaliya loo magacaabay nin kasoo jeeda dalka Kenya.


