Urur Goboleedka IGAD ayaa War kasoo saaray Doorashada Maamul Goboleedka Galmudug iyo dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay Wakiilka gaarka ah ee Somalia iyo Badda Cas iyo Khaliijka Cadan u qaabilsan IGAD Mohamed Cali Guyo ayaa lagu sheegay inay bogaadineyso dhammaan dhinacyada ay quseyso arrinta Galmudug iyo sida ay uga go’an tahay inay gaaraan dib u heshiisiin ku timaada qaab dimoqraadiyad ah, isla markaana waxaa lagu xusay sida ay muhiimka u tahay in la qabto dib u heshiisiin loo dhan yahy oo keenta in Galmudug ay yeelato maamul si xor ah loo soo doorto.
Wakiilka urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu dhinacyada oo dhan ku dhiiri gelinayo doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah iyo dimoqraadiyad ah, taasoo ay ku jirto danta dadka Galmudug iyo xasiloonida Soomaaliya.
Waxaa kaloo qoraalka IGAD lagu bogaadiyey taageerada beesha ka geysaneyso xaaladda Galmudug, waxaana lagu xaqiijiyey inay IGAD ka go’an tahay taageerada Galmudug oo nabad ah. Qoraalka ayaan lagu soo hadal qaadin dadaalka dowladda Somalia ka wado Galmudug iyo magaalada Dhuusamareeb.