Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Guddoomiyihii Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo Axmed Caddow Kaarshe, kadib markii uu diiday xil ka qaadis lagu sameeyay.
Iimaan Caddow Kaarshe ayaa ahaa guddoomiyihii ugu danbeeyay degmooyinka Gobolka Gedo ee taabacsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe, waxaana in muddo ah socday dadaal loogu jiray in lagu qanciyo, isagoo diiday inuu u hoggaansamo xil ka qaadista uu ku sameeyay Ku-simaha guddoomiyaha Gobolka Gedo ee taabacsan dowladda Federaalka Cusmaan Nuur Xaaji (Macalimuu).
Guddoomiyihii Garbahaarey Imaan Caddow oo shalay diyaarad looga qaaday Garbahaarey lagu xiray degmada Luuq, halkaasoo kadib la seegay in loo qaadayo magaalada Muqdisho, waxaana xarigiisa uu hurdada ka kiciyey maamulka Axmed Madoobe oo ku hanjabay inay go’aan degdeg ka qaadan doonaan dowladda Federaalka.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay tacadi weyn ka wado Gobolka Gedo, iyadoo 24 saac kadib uu go’aan kasoo bixi doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa guddoomiye cusub u magacawday Degmada Garbahaarey, kaasoo lagu magacaabo Xasan Sheekh Cilmi Jaamac oo dhowaan xilka loo caleemo saaray.
Gobolka Gedo oo hadda ka baxay faraha maamulka Jubbaland ayaa maraya xaalad adag, waxaana muddo 4 bilood ka socday dagaal milateri iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeya Maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka, kaasoo hada lagu kala baxay.
