War goor dhow kasoo baxay dowladda Iiraan ayaa lagu shaaciyey tallaabo ay ciidamada Iiraan ku qabsadeen markabka Stena Impero oo Ingiriisku leeyahay.
Iiraan ayaa sheegtay in Markabkan uu jebiyey nidaamka marista Badaha, kuna soo dhowaaday biyahooda, isagoo damiyey nidaamkii wada- xiriirka, isla markaana iska dhega tiray digniin loo jeediyey, waxayna markabka ku eedeeyeen inuu xeebaha Iiraan la damacsanaa waxyaabo kiimiko ah inuu ku shubo.
Warka kasoo baxay Iiraan ayaa lagu caddeeyay 4 qodob ee keenay in ciidamada Iiran ay la wareegaan markabkan, iyadoo doomo dheeraya iyo diyaarad helikobtar ah ay gudaha u galeenm kadibna Markabka la aadeen xeebtooda.
Arrintan ayaa jawaab u ah markab Iiraan leedahay oo ciidamada UK ay ku qabsadeen jasiirada Giblatar, iyadoo weli halkaasi lagu heysto.