Ciidamada ilaalada hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho ayaa xalay gacanta ku dhigay saddex rag ah oo midkood la sheegay inuu xirnaa labiska dumarka sida: Goono, xijaab iyo Indhashareer.
Maamulaha Hoteelka ayaa dhacdadaasi kadib warbaahinta u sheegay in ciidamadu ilaalada ka ah hotelka ay ka shakiyeen raggan, kaddibna ay qabteen sadexda nin oo midkood markii la baaray uu noqday nin xiraan dharka haweenka.
Ciidamada ammaanka dowladda ayaa lagu wareejiyay saddex nin, waxaana la wareegay hay’adda nabadsugidda Qaranka oo baaritaan ku sameyn doonta.
Marar badan ayaa la qabtay rag sitay dharka haweenka oo isku qarinayay iyadoo qaarkood lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.
Wadani.com