Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Ilaalada kacaan Iiraan oo Gantaalo ku weerarray Xarun Isreal ku leedahay Kurdistan-ta Ciraaq

    Ilaalada kacaan Iiraan oo Gantaalo ku weerarray Xarun Isreal ku leedahay Kurdistan-ta Ciraaq

    March 13, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka dowladda Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro loo adeegsaday Gantaallaha ballistic-ga ah oo lagu qaadaya magaalada Irbil ee caasimadda gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.

    Bayaan kasoo baxay ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in maanta oo Axad ah ay bartilmaameedsadeen “xarunta istiraatiijiga ah” ee Israa’iil ku leedahay Kurdistan. “Weerar kasta oo soo noqnoqda oo Israa’iil ah waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag, go’aan adag iyo burburin,” ayaa lagu yiri bayaanka IRGC.

    Israa’iil ayaa horaantii todobaadkan ku dishay laba xubnood oo Iranian ah oo ka tirsan kooxda IRGC weerar ay ku qaaday ee dalka Suuriya, Waxaan weerarkan uu ahaa jawaab ay bixisay Iiraan.

    Saraakiisha Kurdiyiinta CIraaq ayaa sheegay in toban gantaal oo ballistic ah oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq ay ku dhaceen magaalada Erbil, iyadoo guddoomiyaha Erbil, Omed Khoshnaw uu u sheegay warbaahinta inuu jiro weerar argagixiso oo ka dhan ah Qunsuliyadda Mareykanka.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarkan “weerar aad u fool xun” balse wuxuu sheegay in aysan jirin dad Mareykan ah oo waxyeelo kasoo gaartay.

    TV-ga qaranka Ciraaq oo soo xiganaya ciidamada ismaamulka Kurdiyiinta ee ka dagaalama Ciraaq ayaa sheegay in 12 gantaal oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq ay ku dhaceen Erbil.

    Masrour Barzani, oo ah Ra’iisul Wasaaraha maamulka Waqooyiga Ciraaq ee Kurdiyiinta (KRG) ayaa cambaareeyay weerarka. Qoraal uu soo dhigay barta rasmiga ah ee KRG ee Twitter-ka, ayuu Barzani ku yiri: “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday dhowr meelood oo Erbil ah.”

    Dhinaca kale maamulka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa beeniyay in xarunta la weeraray ay tahay xarun ay Isreal ku leedahay magaalada Erbil, waxayna caddeyeen in xaruntaasi ay ahayd mid rayid ah.

    Ciidamada Maraykanka ee fadhigoodu yahay garoonka caalamiga ah ee Erbil ayaa dhowr jeer oo hore la kulmay weeraro gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo ay saraakiisha Maraykanku ku eedeeyaan kooxaha hubaysan ee Iran taabacsan, balse ma dhicin weeraro noocan oo kale ah dhowr bilood.

    Markii ugu dambeysay ee gantaalada balaastikada ah lagu hago ciidamada Mareykanka waxay ahayd Janaayo 2020 – aargudasho Irani ah oo ku saabsan dilkii Mareykanka horaantii bishaan lagu dilay taliyihii militariga Qassem Soleimani ee garoonka diyaaradaha Baghdad.

    Erbil Kurdistan Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Odowaa oo weerar Afka ah ku qaaday Wasiir Dubbe iyo Qorshihii uu ku tegay Gaalkacyo
    Next Article Xukuumadda Xilgaarsiinta oo mar kale Baarlamaan la’aan Ansaxsatay Miisaaniyad yar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo