Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ilaalo u ah Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay qof shacab ah toogasho ku dileen.
Ciidamadan oo ilaalo ka ahaa Gaari aanay rasaastu karin oo uu watay Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen Gaari ay ka shakiyeen oo uu watay nin lagu magacaabo Maxamed Cabduqaadir oo ka tirsanaa Baarka iyo Maqaayadda Zaytuun, qeybteeda agagaarka Tre-piano ee Waddada Maka Almukarrama.
Marxuumka ayaa dadka goobjooga ahaa sheegeen in ilaalada wasiirada ay rasaas ku fureen, kadib markii ay qoryo ku fiiqeen xilli uu daba socday Gaarigiisa, kadibna rasaasta ay ciidamadan ku fureen ay haleeshay, ciidamada falka dilka ah geystay ayaa ka baxsaday oo socodkooda iska sii watay, iyagoo aan u istaagin falka ay geysteen.

Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay Hay’adaha Amiga Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.