Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaanada federaalka, horena u soo noqday agaasimaha hay’adda NISA ayaa ka deyriyay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo ka mid ahaa saaxiibadii madaxweynaha la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka daaleen tacsi iyo tirinta meydadka iyo dhaawaca dadka la leynayo.
“Waxaan ka daalnay tirinta dhimashada, dhaawaca iyo tacsi-diridda dadkeena maalin kasta kooxaha dhiig daadinta jeclaaday ay nagu hor leynayaan.. waxaan rajeyneynaa in hogaanka cusub ee dalku uu la imaan doono istiraatiijiyad amni oo ka duwan wixii jirey, taasoo keenta in la badbaadiyo shacabkeena isla markaana lagu hanto amniga dalka..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo bartiisa FB qoraal soo dhigay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan ahayn shaqo adag in amniga la sugo balse waxey u baahan tahay rabitaan adag, qorshe dhammeystiran iyo ka dhabayn. Arrintan ayaa u muuqata farriin ku socota Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Axmed Fiqi ayaa la xusuustaa intii uu ahaa agaasimaha NISA inay dhici jireen falal amni darro oo waaweyn, waxaana warkiisa loo arkaa inuu yahay musharax u taagan xil wasiirnimo, kadib markii looga baxay balantii ahayd in loo magacaabo Ra’iisal wasaare.
Wadani.com