Ilhaan Cumar ayaa shaacisay inay xaqiijiyeen in Koongares-ka Mareykanka uu Deyntii dalkaasi ku lahaa Soomaaliya ka fududeynayo.
Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto Deyn ka khaliifinta Soomaaliya, sida ku cad qaraar tirsigiisu yahay H.R 1158 oo Golaha Wakiilada Koongareeska Mareykanak ay ansixiyeen.
Qoraal ay soo saartay Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, kana tirsan Aqalka Wakiilada ee Koongareeska Mareykanka ayey ku sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay tallaabadan, isla markaana ay culeys weyn ka qaadi doonto Soomaaliya, iyadoo culeys ku ahayd dhaqalaha Somalia iyo faqriga ay dadkeeda ku jireen.
Dowladda Mareykanka ayaan weli faahfaahin ka bixin arrintan, iyadoo Mareykanka uu ahaa dalka ugu weyn ee deynta ku leh Soomaaliya, waxayna deyntiisu gaareysay Hal Bilyan oo Doolar.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa dhowaan la shaaciyey inuu olole ugu jiray sidii dowladiisa ay deynta uga cafin lahayd Somalia, haddii kalena uu xilka iska casili doono.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA ILHAAN CUMAR
