Haweeneyda Somali-American-ka ah ee Ilham Cumar ayaa ku guuleystay inay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee loo doorto Koongareeska Mareykanka.
Doorashada Dhexe ee Mareykanka oo shalay loo dareeray dalkaasi ayaa waxaa soo baxay natiijooyinkii ugu horeeyay iyadoo Ilhaam Cumar la xaqiijiyey inay si fudud ugu guuleysatay kursiga degmada 5aad ee Minnesota.
Ilhan waxaa isku mar la doortay haweeney kale oo asalkeedu yahay Falastiin oo lagu magacaabo Rashida Tlaib oo iyaduna laga soo doorotay Michigan, taasoo ahayd haweeneydii koowaad ee muslim ah oo Koongareeska Mareykanka loo doorto, halka Ilhaan ay noqotay tan labaad.
Dabaaldeg xoog leh ayey Soomaalida Minnesota u sameeyeen guusha taariikhiga ah ee Ilhaan Cumar kasoo hoysay inay ka mida noqotay mudanayaasha Koongareeska Mareykanka.