Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Imaam Max’ed Yusuf oo farriimo u kala qaaday Farmajo iyo Musharixiinta (Is-afgarad la gaaray Bannaanbaxa)

    Imaam Max’ed Yusuf oo farriimo u kala qaaday Farmajo iyo Musharixiinta (Is-afgarad la gaaray Bannaanbaxa)

    February 18, 2021Updated:February 19, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Odayaasha Dhaqanka magaalada Muqdisho oo uu hoggaaimayo Imaam Maxamed Yuusuf ayaa farriimo iyo waanwaan nabadeed u kala qaaday Musharixiinta Madaxweynaha iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.

    Imaamka ayaa kulankiisii koowaad la yeeshay Musharixiinta ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore, kadibna waxay la kulmeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kadibna kulan gaara la yeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble iyo Duqa Muqdisho, waxayna caawa dib ugu laabteen Musharixiinta oo xaruntoodu tahay Hotelka Maa’ida

    Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Imaamka markii hore u yeeray Farmaajo, kadibna uu arrintan xalkeeda ku baxay. Farmaajo wuxuu la wadaagay Odayaasha Imaamku hoggaamineyay inuusan diidaneyn bannaanbax nabadeed, balse uu welwel ka qabo inuu qalalaase ka dhasho ama ay ku dhex dhuuntaan kooxo amni darro wada iyo caddowga argagixisada.

    Farriintii Odayaasha ka qaadeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh iyo Musharixiinta kale ayaa ahayd inay bannaanbax nabadeed dhigayaan oo dhibaato ah aanay wadin, iyagoo beeniyey inuu bannaanbaxooda kusii jeedo Madaxtooyada oo dhinac kale loo sheegay.

    Odayaasha ayaa kulankii Farmaajo ku muujiyey welwelka arrinta, kadib waanwaanta u xil saaray Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulankii dhex maray odayaasha iyo Rooble, Xasan Xundubey, Cumar Filish iyo xubno kale ayay caqabad kala kulmeen odayaasha, iyadoo xubnahan ay ka hor yimaadeen in bannaanbaxa uu dhaco, dood dheerna ay dhex martay Odayaasha uu Imaamku horkacayey.

    Odayaasha uu hoggaaminayey Imaam Maxamed Yuusuf ayaa mar kale ku noqday Musharixiinta Madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen wixii ay kala kulmeen Farmaajo, Rooble, Cumar Filish iyo xubnaha kale; iyadoo ku adkeeyay inay si nabad ah u bannaanbaxaan.

    Ergo cusub oo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya u diray Musharixiinta ayaan wax horumar ah laga gaarin, iyadoo ay caqabadda ka imaaneyso xubnaha beelaha Hawiye ugu jira xukuumadda xilgaarsiinta.

    Hadallo kasoo yeeray Cumar Filish iyo ku xigeenkiisa ayaa muujinaya inaysan weli qaaday talladii Odayaasha dhaqanka, iyagoo ku doodaya in dadku guryahooda joogaan; waxaana laga war sugayaa haddii ciidamadu is hortaagaan dadweynaha iyo in kale.

    Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana meesha ka baxday xiisadii taagneyd oo inteeda badan ka socotay baraha bulshada, waxaana ciidamada labada dhinac ay yihiin kuwo goobaha ay ku sugan yihiin isla jooga oo wax dhibaato ah asan u dhaxeyn.

    Bannaanbax Farmaajo Imaam Maxamed Yuusuf Muqdisho Musharixiinta madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo uu wato Jen. Indha-cadde oo la wareegay Daljirka Dahson iyo ciidamada Dowladda oo xiray..
    Next Article DEGDEG: Rasaas laga maqlayo Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo