Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay qorsheyneyo xayiraad ay ku soo rogto Soomaalida ku nool dalkeeda kadib markii uu xumaaday xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Ganacsato iyo dad ka shaqeysta dalka Imaaraadka ayaa laga soo xigtay inay ka cabsi qabaan tallaabo ay Imaaradku ka qaadaan Soomaalida ku dhaqan dalkeeda oo lagu soo rogayo xayiraad dhinaca sharciyada socdaalka ah.
Arrimaha la sheegay inay ka fiirsaneyso Imaaraadka ayaa waxaa ka mida: Inay diido sharciyada joogitaanka dalkaasi (IQAAMA) in la siiyo Soomaalida iyo in kuwa heysta loo cusbooneysiiyo, taasoo xaaladda uga sii dareysa.
Imaaraadka ayaa ah dalka ugu weyn ee Soomaalida la ganacsato, waxaan ku nool boqolaal ganacsato Soomaali ah oo ku leh xarumo ganacsi una adeegsada bar ay badeecadahooda u soo mariyaan Soomaaliya.