Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhismaha safaarad cusub oo Soomaaliya ay ka dhisaneyso magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha oo ka yimid safarkiisii India ayaa soo maray Imaaraadka Carabta, waxaana dhulka laga dhisayo safaaradda cusub iyo lacagta ku baxeyso ku deeqay dalka Imaaradka Carabta. Waxaa la sheegay in dhismaha Safaaradda uu socon doona muddo sanad iyo laba bilood ah, isagoo ka koobnaan doona safaarad iyo guri ay degaan ahaan safaaraddu u leedahay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikheey Al-Haatimi ayaa sheegay in muddo ka badan 42 sanadood ay tahay markii ugu horeysay ee dhul iyo dhismo is wata oo Soomaaliya la siinayo laga hirgeliyo dalka Imaaraadka Carabta, halka horay ay ugu shaqeyn jireen goobo si gaar ah loo leeyahay.
SAWIRRO