Imaaraadka Carabta ayaa qaaday fulinta tallaabadii ugu horeysay ee lagu abaal marinayo maamulada ka jira Soomaaliya ee la saftay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, kana horjeestay dalka Qatar.
Imaaraadka oo xiriiro dhow la leh dhammaan maamul Goboleedyada Soomaalida, horeba taageero milateri u siiyay, ayaa hadda casuumaad u fidiyay madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo u duulay magaalada Abu Dhabi.
Wararka ayaa sheegay in socdaalka Siilaanyo la xiriira markii looga yeeray Imaaraadka iyadoo la filayo in laga abaalmariyo mowqifkii uu kula saftay maamulkiisa Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka hogaaminayaan ee ka dhanka ah dalka Qatar.
Lacago lagu sheegay 3 ilaa 5 Milyan oo doolar ayuu Imaaraadku u qoondeeyay inuu siiyo madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ka jira ee ku dhawaaqa inay la safan yihiin isbaheysiga ka horjeeda dalka Qatar.
Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu qaato tallaabo la mida tan Somalilan, iyadoo maamulo kale ay ku raaci doonaan.
Wadani