Dowladda Imaaraadka Carabta oo dadaal xoog leh ugu jirta inay noqoto dowladda ugu saameynta badan Geeska Afrika ayaa qarka u saaran inay la wareegto dekadii labaad ee ugu weyn dekadaha Soomaaliya.
Heshiis gabagabo maraya ayaa lagu wadaa in loogu saxiixo maamulka iyo dib u dhiska dekadda Boosaaso ee ku taalla badda Cas, kadib wadahallo dhex maray shirka laga leeyahay Imaaraadka iyo maamulka Puntland.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dhowaan Shirkadda Imaaraadka ah ee DP World loo saxiixay maamulka Dekeda Boosaaso, isla markaana Imaaraadku saldhig milateri ku yeelanayo dhul balaaran oo ka tirsan xeebta Berbera.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo isaga daba noqday magaalada Dubai tagay, ayaa soo dhammeeyay heshiiskan oo dhowaan lagu wado in la saxiixo.
Qorshe lagu balaarinayo dhismaha dekadda Boosaaso ayaa soo jiitamayay ilaa sanadkii 2015, iyadoo hehsiiskaasi la siiyay shirkad lagu magacaabo Divers Marine Contracting oo uu iska lee yahay nin u dhashey dalka Falastiin fadhigeeduna yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Dekadda Boosaaso ayaa noqoneysa tii labaad ee Imaaraadku la wareego kadib markii ay u gacan gashay dekadda Berbera, waxaa kaloo xusid mudan in Imaaraadku weydiistay maamulka Jubba inuu la wareego dekadda Kismaayo maamulkeeda dibna u dhiso, arrintaas oon weli hirgelin, balse Imaaraadku wuxuu balanqaaday dib u dhiska Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Wadani.com