Iyadoo ays ii kordheyso xiisada duulimaadka hawada ee dalalka Qatar iyo Imaaraadka ayey dowladda Imaaraadka shaacisay in diyaarado dagaal oo ciidamada dalka Qatar leeyihiin ay ka hortageen diyaarad rakaab oo Imaaraadku leeyahay.
War ay shaacisay Wakaalada Wararka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka dalka Qatar ay hor qabateeyeen, kana hortageen diyaarad rakaab oo madani ah, taasoo safar caadi ah isaga socotay dalalka Imaaraadka iyo Baxreyn.
Wakaaladu waxay sheegtay in tallaabada dowladda Qatar qaaday ay halis amni iyo xadgudub ku tahay ammaanka duulimaadka rayidka ah, isla markaana ay ka horjeedo heshiisyada caalamiga ah ee duulimaadka.
Dhinaca kale Dowladda Qatar ayaa beenisay warka ay faafisay wakaalada wararka Imaaradka, waxayna meesha ka saartay sheegashada ah inay diyaaradaheeda ka hortageen diyaarad rayid ah.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo dowladda Qatar ay dacwad u gudbisay Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay iyadoo ku eedeysay Imaaraadka iyo laba jeer ku xadgudubtay hawada dalka Qatar, waxaana arrintan loo arkaa inuu Imaaraadku ku qarinayo dacwadda ka taalla Q/Midoobay.