Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmduug, waxaana hadda socdo wareegga koowaad ee tartanka Madaxweynaha.
Fadhigan oo ka mida kalfadhiga koowaad waxaa isha lagu hayey xildhibannada ay soo xushay Ahlu suna oo la sheegay inay 13 ka mida qaateen kharashka ololaha doorashada ee musharaxa dowladda, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka uu shaaciyey inuu kulanka ku furmay 77 xildhibaan.
8 ka mida xildhibaanada Ahlu suna soo xushay ayaa la xaqiijiyey inay ka qeyb galayaan doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, iyadoo hore u socdeen heshiisyo lala gelayo xildhibaannada Ahlu suna.