Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Imisaa la dilay Doorashadi Madaxweyne Farmaajo kadib..? [Akhriso Liis Alshabaab shaacisay]

    Imisaa la dilay Doorashadi Madaxweyne Farmaajo kadib..? [Akhriso Liis Alshabaab shaacisay]

    March 10, 2017Updated:March 10, 20176 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Al-shabaab ayaa shaaciyay Liiska dadka ay ku dileen qaraxyo iyo falal khaarijin ah, kadib intii xilka madaxweynaha loo doortay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo bil ah kasoo wareegtay.

    Dadka la dilay iyo kuwa Qaraxyada ku dhintay ayaa ka badan bilihii ka horeeyay, waxayna Alshabaab sheegtay in dowlada cusub ay ku fashilantahay ammaanka.

    HOOS KA AKHRISO LIISKA DADKA ALSHABAAB SHAACISAY


    February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood uun kadib doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee laga keenay magaalada Cadaado. Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday xabadaha ka dhaca bastooladda.

    February15, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne. Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob jog ahaa oo la hadlay war-baahinta maxalliga ah.

    February18, 2017  waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF. Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada shisheeye iyo maamulada ku daaban.

    February18, 2017  waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere. Rasaas lagu shannaqay gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka DF ay sheegtay iney cambaareeneyso.

    February 21, 2017   waxaa degmada Xamar Jajab lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahiim, waxaana la isla dhex marayay in dilkiisa uu ugu wacan yahay isagoo wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

    February 22, 2017  waxaa madaafiic lagu weeraray xaruntii hore ee ciidankii circa Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhacaysay xaflad lagu caleema saarayay Farmaajo.

    February 24, 2017  waxaa si fool-kafool ah loo toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF oo lagu magacaabi jiray Maxamad Cumar, kadib markii ay degmada Xamar jajab ku beegsadeen rag hubeysan.

    February 25, 2017    waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyre oo kamid ahaa dadkii xildhibaanada kusoo doortay Gal-mudug. Rag hubeysan ayaa kheyre ku beegsaday isgoyska Cali kamiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana marka oday la dilo caasimadda caan ka noqotay iney dadku is weydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin ma xildhibaanada ayuu wax kasoo xulay?.

    February 26, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu dilay sarkaal kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Jawaari, horayna xildhibaan usoo noqday. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Mursal ayaa lagu dilay xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley, kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaari uu watay, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

    February 27, 2017  waxaa degmada Boondheere lagu weeraray mas’uul ka tirsanaa Bankiga dhexe ee DF oo lagu magacaabo Shire Dhagey, waxaana dhacday inuu isagu ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigiisa, balse waxaa ku geeriyooday darawalkiisii, sidoo kale isla maalintaas waxaa askari ka tirsanaa DF lagu dilay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid.

    February 27, 2017  waxa kale oo dhacay weerar ay ku dhinteen tiro kamid ah askarta DF, kadib markii nawaaxiga Ex. Koontarool Afgooye loo dhigay gaari qarax laga buuxiyay. Askarta iyo saraakiishooda oo mooday in gaariga looga tagay, ayaa si ay u boola xoofteeyaan saxaafadda isugu yeeray, laakin waxaa halkaasi ka raacay dhibaato ku keentay dhimashada in ka badan 4, dhaawac iyo waji gabax, kadib markii lagu qarxiyay gaariga xilli ay ku xoonsanaayeen.

    February 28, 2017  waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toogasho loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF, kaasoo ay dhib weyn ku qabeen shacabka degmada Dharkeenley. Askarigan oo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamad ayaa lagu dilay xaafadda Macallim Nuur ee degmadaasi, iyadoo daqiiqado kadib dilkiisa ay goobta soo gaareen saaxiibadiis Nabad sugidda.

    February 28, 2017  waxay ahayd maalin ay dhacdooyinku badnaayeen, waxana askari kale oo ka tirsanaa ciidamada DF lagu dhaawacay isla xaafadda macallim Nuur ee degmada Dharkeenley. Askarigan ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamuud Geelle.

    February 28, 2017  waxa kale oo dhacay weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Af-leershe. Af-leeshe ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax, kaasoo lala beegsaday xilli uu gaarigiisa saarnaa islamarkaana uu marayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

    March 06, 2017 waxaa howl gal abaabulan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa DF kadib markii gurigiisa loogu galay, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jira Nuur Cali Isxaaq.

    March 08, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiye laameed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid, kadib markii si bareer ah loogu weeraray rasaas. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeeloow) islamarkaana ahaa gudoomiyaha Laanta Sahan ee waaxda Heegan ayaa wuxuu dilkiisu ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.

    March 08, 2017  weerar kale oo toogasho ah ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa beegsaday C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa ergadii xildhibaanadaku soo dooratay Galmudug.

    March 09, 2017  oo ku beegneyd habeenkii xalay waxaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Minishiibiyada DF, waxaana lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamuud Maxamed. Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka sarkaalkan ay geysteen rag hubeysan oo aanan la garan.

    March 02, 2017  waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay haweeney ka tirsanayd maamulka Shariif Xassan ee Koofur galbeed, kadib markii lagu weeraray xaafadda lagu magacaabo Mursal oo dhaqdhaqaaqeedu ku badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo.

    March 04, 2017  waxaa dharaar cad weerar bambaano lagu qaaday maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Boosaaso, halkaasoo khasaare aan la cayimin uu kasoo gaaray xubno ka tirsan maamulka Gaas ee Puntland.

    March 08, 2017  waxaa dhaawac culus loo geystay xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan, kadib markii isagoo gaarigiisa wata lala beegsaday qarax xooggan. Xildhibaankan ayaa qeyb ka ahaa gudiga ammaanka isagoo ku lug lahaa dagaaladii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Suuj iyo Garacad. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu dhaawacay xildhibaankan, iyadoo maamulka Puntland uu aad uga murugooday dhacdadan.

    March 08, 2017  weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo lala beegsaday gudoomiyaha degmadaasi iyo ilaaladiisa. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, halka isaguna uu ku dhaawacmay.

    Waxaa xusid mudan in Alshabaab ay dad shacab ah oo ka badan 40 ku dishay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay suuqa Kaawo-Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

    Warbixinta  Warbaahinta Alshabaab

    Alshabab Dil Imisaa la dilay Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre oo laba weji ku qaabilaya musharixiinta Golaha Wasiirada
    Next Article HANTI DHOWRKU: Ma hanti Qaran ayuu dhowrayaa Mise hanti ayuu naga sameynayaa? [Faallo xasaasi ah]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo