Kenya ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 10 ka mida saraakiisha ciidamada Booliska ee dalkaasi lagu dilay Miino loo dhigay degaan u dhow Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo ay howlgal ka wadeen.
Qaraxa Miino oo ahaa mid xoog leh ayaa haleelay Gaari Landcruizer ah oo ay la socdeen ciidamadan oo loo yaqaan (General Service Unit), wxaana xilligaasi ku sugnaayeen wadadda Degoh ee degaanka Gaarisa, waxaana qaraxa ku bas beelay Gaarigii ay wateen ciidamada Kenya.
Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya Hillary Mutyambai ayaa sheegay in ciidamada qaraxa haleelay ay ka mid ahaayeen ciidamo ka kooban kuwa milateriga iyo Booliska oo howlgal ka waday xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, ayna ku raad joogeen kooxo argagixiso ah.
Alshabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxa miino ee ciidamadan lagu laayey, iyadoo Alshabaab ay dhinaceeda sheegtay inay weerarkaasi ka danbeysay.