Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay isu soo dhiibeen in ka badan 100 xubnood oo Alshabaab ah, iyadoo socdo dagaalkii Alshabaab.
Agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in xubnaha Alshabaab ee is dhiibay ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Ilaa 107 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayuu sheegay inay isu soo dhiibeen labadii bilood ee lasoo dhaafay. “Xubnaha isi soo dhiibay waxay iskugu jiraan carruur la askareeyay, oo aad da’doodu u yartahay, dad dhallinyaro ah oo ka mid ahaa jiray dagaalyahannada kooxdaas, haween, iyo horjoogeyaal sarsare oo ka tirsanaa kooxdaas” ayuu ku yiri Cabdullahai Maxamed Nuur.
Wuxuu intaas ku daray inay mari doonaan habraaca ‘dadka isa soo dhiibeyaasha’ ee ka tanaasulay fikrahada xagjirka ah.
“Waxaan mar kale ugu baaqeynaa xubnaha weli ku jira Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ka faa’iideystaan xeerka cafiska ee dowladda ee dadka isku soo dhibaya dowladda” ayuu raaciyay agaasimaha Tubsan.