Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal culus oo saacado badan maanta ka socday degaanka Bulacle ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo qasaare ba’an loogu geystay maleeshiyad Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada Xoogga Dalka ka war heleen in degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ay isku urursanayeen Maleyshiyada Al-shabaab, waxaana weerar lagu qaaday degaankaasi, iyadoo laga saaray degaanada kala ah: Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa oo koofurta uga beegan magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha guutada 15-aad ee Qeybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda inay iidanku si buuxda u maamulayaan fariisimihii Alshabaab ku sugnaayeen eee God-dhurwaa, isla markaana uu sii socon doono howlgalku inta laga xoreynayo degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoostaga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ay dagaalka Bulacle ku dileen 16 ka mida maleeyshiyaad iyo Horjogayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Generaal Odowaa ayaa sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga qabsaday 8 qori uu isugu jira Ak47 BKM iyo Hal qori oo RBG ah. Qaar ka mida meydadka Alshabaab ayaa lasoo bandhigay. Wararla qaar ayaa sheegaya in askari uu ka dhintay ciidamada dwladda 5 kalena uga dhaawacmeen.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi ku dishay saddax askari oo ka tirsan Galmudug, kuna dhaawacneen 8 kale, kamana hadlin qasaaraha dhinacooda soo gaaray.



