Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»In ka badan 20 Alshabaab ah oo lagu dilay dagaalkii Wisil ee Gobolka Mudug iyo Faahfaahin cusub..

    In ka badan 20 Alshabaab ah oo lagu dilay dagaalkii Wisil ee Gobolka Mudug iyo Faahfaahin cusub..

    June 27, 2021Updated:June 27, 20212 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa soo baxaya faahfaahinta qasaaraha kadhashay dagaalkii ay saaka aroortii Alshabaab ku qaadeen degaanka Wisil ee Gobolka Mudug oo ay saldhig ciidan ku lahaayeen ciidamada Galmudug.

    In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarka oo maleeshiyada Al-shabaab ay ku bilaabeen Gaari Qarax sida oo lala beegsaday xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

    Wararka laga helay dadka degaalka ayaa sheegaa n qaraxa gaariga kadib ay Alshabaab dhowr jiho ka weerarraan magaalada, balse ciidamada Galmudug ay iska caabiyeen, iyadoo qasaare badan gaarsiiyey Alshabaab, wuxuuna dagaalku socday muddo laba saacadood ku dhow.

    Sarkaakiisha Galmudug ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen 20 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab, waxaa kaloo jira qasaare soo gaaray dadka rayidka, kadib madaafiic ay Alshabaab ku garaacday magaalada.

    “Abaaro 4:30 habeenimo xilliga oo la isku diyaarinayay salaad subax ayay weerar gaadmo nagu soo qaadeen kaasi oo ay ku bilaabeen qarax balse qasaaraha iyagu uu soo gaaray” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka MudugGashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo Warbaahinta u sheegay in la jebiyay, haddana lagu raad joogo.

    Dadka degaanka ayaa sheegaya in askar badan ay Alshabaab ku dileen qarixii hore iyo weerarka habeennimo, balse kadib ay is abaabuleen ciidamada Galmudug iyo dadka degaanka oo dagaal culus la galay dibna u celiyey maleshiyadii Alshabaab

    Qasaaraha dhimashadu ayaa intaas ka badnaan, waxaana dhimashada la gaarsiinayaa ilaa 50 dagaalamayaal iyo shacab isugu jira. Halka Alshabaab ay dhinaceeda sheegatay inay weerarka ku dishay askar ka badan 34.

    Dhinaca kale, ugu yaraan lix qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, kaddib markii gaari ay la socdeen ay miino kula kacday inta u dhexeysa magaalooyinkaa Wisil iyo Gawaan.

    Alshabaab Dagaal Galmudug Wisil
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo Mar kaliya Dil Toogasho ah ku fulisay 18 Qof oo lagu eedeeyay Alshabaabnimo
    Next Article Ciidamada Kenya oo qabtay dadkii ka danbeeyay Afduub Nairobi loogu geystay Gabar Somali ah (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo