Askarta Soomaalida oo muddo dheer mushaar la;aan ahaa ayaa la siiyay qeyb ka mida mushaarkii ka maqnaa sida uu shaaciay Midowga Yurub.
Safiirka cusub ee Midowga Yurub qaabilsan Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Veronique Loren ayaa ku dhawaaqday kadib kulan ay la yeelatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo in Midowga Yurub uu bixiyay mushaarka 6800 askari oo Booliska Soomaaliya ka tirsan.
Midowga Yurub ayaa qeyb ahaan bixiya mushaarka ciidamada, iyadoo lasoo mariyo hay’adda UNDP, waxana mararka qaarkood lacagtaasi dib u dhacdaa dhowr bilood, halka mushaarka dowladda Soomaaliya uu yahay mid aan lagu tashan karin.
Mushaar siinta ciidamada Booliska iyo lacagta uu Midowga Yurub sii daayay ayaa ku soo beegmeyda bilo badan oo ciidamadu ahaayeen mushaar la’aan.
Wadani.com