Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»In ka badan 800 Askarta Kenyaanka ee ka howlgala Soomaaliya oo ku waashay Dagaalka [Warbixin xiiso leh]

    In ka badan 800 Askarta Kenyaanka ee ka howlgala Soomaaliya oo ku waashay Dagaalka [Warbixin xiiso leh]

    May 1, 2019Updated:September 20, 20193 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa dhowaan uu qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “Askarta Kenya waxaa sas ku riday dagaalka uu Maraykanka taageero ee Soomaaliya”.

    Maqaalka Wargeyska waxaa uu ku billaabay in Maraykanka uu dagaalkiisa Al-Shabaab kaga qeyb-qaato duqeymaha cirka, isagoo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse koonfurta Soomaaliya waxaa jidgooyooyin ku leh ciidammo ka soo jeedo dalka Kenya ee katirsan AMISOM, kuwaas oo inta badan la bartilmaameedsado.

    Waxaa ciidankaasi ka mid ahaan jiray, Christopher Katitu, sarkaal darajadiisu hooseyso oo muddo labo sano ah ku sugnaa Soomaaliya, ka hor inta uusan dhicin weerarkii lagu qaaday Jaamacdda Garissa, markaas oo loo soo diray inuu habeen iyo maalinba waardiyo ka qabto waddo weyn oo ku taalla magaalada Gaarisa oo xilligaasi ay xiisad ka taagnayd.

    Culays badan oo soo foodsaaray kaddib, Katitu wuu is celin waayay, oo dhibaatadii ayaa maskaxdiisa ka tanbadisay, militarigana halkii ay u diri lahaayeen dhakhtar dhimirka qaabilsan, way xireen wayna ciqaabeen.

    “Adduunka oo dhan mugdi ayuu ila noqday,” ayuu yiri isagoo ku sugan beer uu ku leeyahay degaan bariga kaga began Nairobi, “waxaan ogahay oo keliya ayaa ah waxay dadka ii ga sheegeen toddobaadyadii la soo dhaafay, oo ahayd in aaan ku hadaaqayay ereyada “waa qarax, waa Soomaali iyo wax la mid ah”, waxaan is leeyahay markaad xarada militariga ka soo baxdid umbaad ogaaneysaa dhibka ku haysto inta uu la egyahay,”

    Dhibaatadan Katitu oo keliya kuma eka, oo waxaa la qabo askar badan oo reer Kenya ah. Markii uu shaqada ku laabtay dhibkaas kaddib, shaqadii ayaa laga joojiyay, labo sano ayaana la xiray. Qoyskiisa war uma hayan halka uu jiray muddadaas labada sano ah ee uu xirnaa. Wuxuu Katitu Wargeyska u sheegay in hal sano oo keliya ay uga harsaneyd in uu u qalmo howlgabnimo.

    Gaashaanle Lucy Mukuria, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ka shaqeeyo qeybta cudurrada dhimirka ee ciidammada Kenya, waxay ka sheekeyneysaa dhibtii iyada lafteeda soo gaartay, “Maalmo ayaan jiifay, oo aan ka fakarayay meydkii la is dulsaaray ee isku uray ee dixiriga galay, kuwaas oo lagu soo qaaday boorsooyin dhinac ka furnaa,” ayay tiri,

    Waxay Lucy Mukuria sheegtay in dhibaatada ugu weyn ay ka soo gaartay weerarkii Ceel Cadde. “Meydadka waxaa lagu keenay baabuurta xamuulka, intaas wixi ka dambeeyayna waxba ma uriyo,” ayay raacisay Lucy Mukuria.

    Haatan Lucy Mukuria waxay ka walwalsan tahay ilaa 800 oo askeri oo uu ku dhacay cudurka dhimirka, kuwaas oo militariga ay ciqaabeen halka ay caawin lahaayeen. Lucy Mukuria waxa kale oo ay sheegtay in aan talooyinkii ay soo jeedisay aanan la dhageysan, markii dambena ay isaga tagtay shaqadii.

    Tan iyo markii ay Kenya ku biirtay dagaalka Soomaaliya, wuxuu Maraykanka siiyay dhaqaale badan, balse ma muuqato in dhaaqalaahaasi qaarkii loo adeegsaday in lagu daweeyo askarta uu ku dhacay cudurrada dhimirka ee ka dhashay dagaalada.

    In kastoo mas’uuliyiinta militariga sheegayaan inay arrintaasi wax weyn ka qabteen ayaa haddana askartii hore ee milateriga Kenya waxay sheegayaan wax ka duwan hadalka dowladda. Dalka Kenya oo ay adagtahay in laga hadlo arrimaha ciidanka ayaa waxa taasi ka daran cudurrada dhimrka ee ku dhaca ciidanka dowladda.

    Sideed sano ayaa haatan laga joogaa markii ciidammada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya, howlgalkaas oo boqolaal askar lagaga dilay Kenya. Ururuka Al-Shabaab ayaa wixii intaasi ka dambeeyay waxay weerarro ka geysteen gudaha Kenya iyo saldhigyo milateri oo ciidaanka Kenya ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

    Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 4,000 oo askari, taas oo shan meelood hal ka ah ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

    Isha: Washington Post

    KDF Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTurkiga oo uga digay Mareykanka inuu ururka Ikhwaanul Muslimiin ku daro liiska argagixisada.
    Next Article DEGDEG: Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somaliya oo xilka iska casilay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo