Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Inqilaabka Siyaasadeed Ee ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)

    Inqilaabka Siyaasadeed Ee ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)

    June 21, 20176 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Boqorka Sucuudiga ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu dhaxal suge ugu magaabay wiilka uu dhalay ee lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan oo 32 jir ah, isaga oo xilkii uu hayeyna ka casilay Wiilka uu adeerka u ahaa ee Maxamed Bin Naayif oo ahaa dhaxal sugihiisa.

    Arrintan ayaa lagu tilmaamay Inqilaab siyaasadeed oo qasriga boqortooyada dhexdiisa ka dhacay, iyada oo horeba loo sii saadaalinayey isbadelkan in Maxamed Bin Salmaan xilli ay noqotoba uu xilkan dhaxal sugaha qabandoono , isaga oo ahaa ninka faylalka ugu xaasaasi-san gacanta ku hayey haday noqon lahayd dagaalka Yaman, Loolanka Iiraan, Xaaladda Suuriya , Mashaqada Khaliijka ee Qatar iyo Dalalka Gacanka iyo barnaamijka isbadelka dhaqaale ee Boqortooyadda Sucuudiga.

    Isbadelkan uu xilligan ku talaabsaday Boqor Salmaan ayaa lagu tilmaami karaa in uu yahay isbadelkii ugu weynaa ee dhinaca xukunka oo uu ku talaabsaday Boqor reer Al-Sacuud ah tan Iyo markii boqor Cabdicasiis uu dhidibada u tagaagay Boqortooyada Sacuudiga sanadkii 1932kii ,isaga oo Boqor Cabdicasiis qaabka xukunka ku dardaarmay in wiilashiisu kala dhaxlaan, iyada oo sida lagu yaqaanay Boqor-tooyooyinka in wiilku aabihii dhaxlo, qaabkii uu u dardaarmay Boqor Cabdicasiis oo soo taxnaa tan iyo sanadkii 1953 ayaa maanta waxa ay Boqortooyada Sacuudigu u gudubtay jiilkii labaad ee caruurta uu dhalay Boqor Cabdicasiis iyada oo talaabadan lagu tilmaamay mid uu ku dhiiraday Boqor Salman oo isagu 83 jir ah dareemayna raggii uu dhalay Boqor Cabdicasiis in aanay marxaladan ku haboonayn loona baahan yahay in jiilka labadaad loo diyaariyo xukunka si ay u sii jirto Boqortooyadu.

    Arrinta xukunka Sacuudiga Iyo amiirada gaboobay oo muddooyinkii ugu danbeeyey reer ga.lbeedku aad u danaynayeen isla markaana ka wer-wersanaayeen, iyaga oo u arkayey in danaha ay Sacuudiga ka lee yihiin khatar ku soo fooleedahay, waxaa iyaduna dhiiranaan kale ah oo uu ku talaabsaday Boqorku isaga oo wiilkuu adeerka u ahaa oo aanay da’diisu aad uweynayn 56 jir ah uu ku badelo wiilkiisa Maxamed Bin Salman oo 32 jir ah , isaga oo Boqorku awooda uu u leeyahay doorashada dhaxal sugaha u adeegsaday siina maray guddi reer boqor ah oo ka kooban 35, lana sheegay in 31 isku raaceen in dhaxal suge laga dhigo Maxamed Bin Salman.

    Loolanka Ka Dhaxeeya Qoyska Boqortooyada.

    Loolanka qoyska xukunka haya ee reer Cabdicasiis ayaa ah mid markasta oo isbadelo waaweyn la soo gudboonaadaan soo shaac baxa , waxaana loogu hadal hayn badan yahay Laba qaybood oo kala ah Bahda Sadiiriyiinta oo hooyadood ka soo jeedo qabiilka Sadiiriyiinta kuwaas oo kala ahaa Fahad , Suldaan, Naayif , Iyo Salmaan Boqorka xukunka hadda haya , waana bahdii ugu badnayd caruurtuu dhalay Boqor Cabdicasiis, inta kale oo kalo baho ahaa ayaa awoodooda ka dhigay kuwa dhariga Siyaasadda iyo hoggaanka Sacuudiga laga xigsado.

    Talaabadan uu qaaday Boqor Salmaan oo ah talaabo isbadelweyn Sucuudiga u horseedaysa waxaa lagu tilmaamay mid lagu doonayo in Sacuudiga ay hoggaamiyaan xubno dhalinyaro ah oo marxaladan Cusub ee dunida carabta isbadeladu ka socdaan looga gudbo, koox midaysanna qabtaan hannaanka siyaasadda dalka oo dagaalada ka socda Suuriya , Ciraaq iyo Yaman intuba raad ku leeyihiin mustaqbalka Sacuudiga oo ay qayb ka yihiin Sacuudiyiintu dagaalka Suuriya , hoggaamiyaana gaashaanbuurta dagaalka ka wada dalka Yaman, iyada oo xilliganna ay ugu sii darsantay xaaladda ka dhex aloosan Qatar iyo dalalka Sucuudiga , Imaaraadka, Bahrain Iyo Masar. Iiraan oo isku balaadhisay dalal badan oo Carbeed, oo ay ka mid tahay arrinaha ugu culus ee horyaala Sucuudiga.

    Mustaqbalka Xukunka Reer Al-sacuud.

    Sidii ku dhacday dawladii hore ee reer Al-Sacuud qarnigii 18aad oo ku burburtay khilaaf gudaha qoyska reer Al-Sacuud ka yimi, ayaa khatarta xilligan ee soo afjari karta xukunkan lagu tilmaamay sadex arrimood.

    1.Loolan ka dhex qarxa qoyska Reer Al-Sacuud oo iyagu baho u kala safan, (Sadiiriyiin, Shamariyiin Iyo Yamaniyiin)iyaga oo aad ugu dadaala in aanu bannanka u soo bixin loolankaasi , hasa yeeshee dadka Siyaasadda Sacuudiga isha ku hayaa la socdaan, markasta oo Boqor geeriyoodo oo meesha ka baxana , iska riixashada xilalku dib u soo cusboonaadan, iyadoo baho laysu garabsanayo, waxaana ka mid ah su’aalaha imaan kara haddii Boqor Salmaan meesha ka baxo qofka noqon doona dhaxal sugaha waana arrimaha loolanka reer Cabdicasiis banaanka u soo saari kara, iyada oo hadda la xusay in aanu Maxamed Bin Salmaan Wiil uu dhalay dhaxal suge u magacaabi doonin hadduu Boqor noqdo, xilligan oo ay Sadiiriyiintu xukunka hayaan , ayaa dhinaca kale ee Boqor Cabdalla ka soo jeeday oo Shamariyiin ah ay sugayaan kaalintooda.

    2. Kacdoon gudaha ka kaca oo ay dhiiradaan shacabka Sacuudiga oo maalinba maalinta ka sii danbaysa dhalinyaradu sii badanayaa , aqoontu sii faafayso , shaqo la’aanta, guryo la’aanta, adeegyada bulshada oo aad u liita sida waddooyinka, oo markasta oo roob da’o burbura, adeega caafimaadka oo aad uliita marka loo eego dhaqaalihii wadanka soo galay 40 Sanno ee ugu danbaysay ee uu bartoolkuna qaaliga ahaa.

    Koox amiiro ah oo hantidii wadanka 90% gacanta u gashay, dhalinyaradii oo isgaadhsiinta bulshada aad u adeegsata Sacuudiguna yahay wadanka loogu adeegsiga badan yahay Bariga Dhexe Youtube, Facebook, iyo Twitterka.

    Dhalintaasi waxay dareemi karaan xaquuq badan in ay ka maqan tahay oo barwaaqada waddankooda ka qatan yihiin , taasi waxay dhalinkartaa khatar xukunka reer Al-sacuud in ugu yaraan lala wadaago sababtoo ah 100 Sanno ayey ka talinayaan waddankaas oo xubno wasiiro ah oo aan awood lahayn moojaane aan lala wadaagin awooda dalka, iyada oo 13 gobol ee Sacuudiga ay badhasaabo ka yihiin 13 ammiir.

    3. Ururada xagjirka ah ee xilligan ka dagaalama bariga dhexe sida Daacish iyo Alqaacida, oo labada ururba aaminsan yihiin in ummadda Islaamku dib u soo ceshato Khaliifkii Muslimiinta, lana doono dawlad ay hoos hadhsadaan dhamaan Musliimiintu , kooxahaas oo xoogaysan kara oo u sahlaysa in ay hungureeyaan Sacuudiga oo aan ciidan xoog weyn oo dhulka ah haysan hasa yeeshee ciidanka Sacuudigu uu dhinaca cirka ka dhisan yahay.

    4.Waxaa jira qodob kale oo muhiim ah Loolanka Sunniga oo uu Sucuudigu isu arko in uu hoggaaminayo iyo Shiicadda oo Iiraan hoggaaminayso dhawaana reer galbeedka heshiis dhinac Nukriyeelka la saxeexatay ,arrintaas oo aanu Sucuudigu soo dhaweyn, loolankaas oo afar dal ka socda kuwaas oo kala ah Suuriya, Ciraaq, Lubnaan Iyo Yaman, dagaalka dalalka Suuriya,Ciraaq iyo Yaman ka aloosana uu ku tilmaaman yahay mid Shiico iyo Sunne ka dhaxe taagan ayaa Sucuudiga waxaa u sii dheer loolan kale oo Sunniga dhexdiisa ka aloosan, haday noqoto ururada xagjirada ah ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalamaya , gudaha Sucuudigana qaraxyada ka sameeya iyo xaaladan ka dhex qaraxday Qatar iyo dalalka Khaliijka, iyada oo dhinaca kale ay muuqato in Shiicadu mideysan tahay, Iiraana ay guulo ka gaadhayso dhinaca Suuriya iyo Ciraaq awood milatarina sii yeelanayso iyaddoo gantaaladeedu gaadheen Suuriya oo ay ku weerartay xoogaga ka dagaalama Suuriya. Shiicadda oo ku guulaysata awooda Ciraaq iyo Suuriya waxay khatar ku tahay jiritaanka dawlada reer Al-Sucuud waana arrinta xilligan ugu werwerka badan ee ay dagaalka Yaman-na u galeen.

    Waxaase aad loo xoojinayaa in isbadelkan uu ku talaabsaday Boqor Salmaan uu dawladda reer Al-Sacuud dhidibada u sii adkayn karo sannadaha soo socda , ilaahay ayaase og halka xaal ku danbayn doono.

    W/Q: Asad Adaani

    King Salman Mohamed Bin Salman Sacuudiga Saudi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare Kheyre oo qaaday tallaabo ay shaqaalaha dowladda ku farxaan [Akhriso]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Kampala & soo dhoweyn hoose oo lagu soo dhoweeyay [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo