Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho

    Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho

    October 28, 2015Updated:October 28, 20155 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Adenadde
    Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho

    Haddii aad rabto in aad garato sida aan uga guran nahay curinta ra’yi ama wax cusub oo aan hore u jirin si ay noloshu noogu fududaato, waxaad eegtaa iridda laga soo galo garoonka dayaaradaha Muqdisho lagana baxo. Waa gegida dayaaradaha ee ceelamiga ah ee Aden – Cadde.

    Garoonku wuxuu ku yaal meel dabiiciyan aad u qurux badan. Dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan wuxuu la teedsan yahay badda oo meelaha qaar aad mooddo in hirka baddu uu soo gaari karo.

    Jawiga magaaladu waa mid wanaagsan sannadka intiisa badan, sannad kasta.

    Intaas waxaa dheer in garoonku uu ku shaqeeyo iftiinka qorraxda oo keliya oo shaqo habeen aanay jirin marka amniga laga reebo.yusuf-garaad

    Inkasta oo garoonku uu leeyahay shan irdood oo aad u kala fog oo laga soo geli karo, qaar hor lehna la sameyn karo, haddana isku hal irid ayaa loo adeegsadaa Gelid iyo Bixid labadaba.

    Waddada keliya ee lagu galo, haddana dhinac ayay ka xiran tahay, waxaana dhex yaalla dhagxaan waaweyn oo shub ah oo jidgooyo u eg looguse talo galay gabbaad nooc dhufeys ah. Waxaa intaa dheer dhowr isbaaro oo isla waddadaas dhex yaalla oo lagu baaro gaadiidka. Qaarkood ciidan Soomaali ah ayaa taagtaagan, kuwa kalena askarta iyo saraakiisha AMISOM ayaa fadhi iyo taagniba ku maamula.

    Waa meel isgoys ah oo waddada Medina ka timaada ay uga soo dhacdo waddada gegida lagu galo.

    Mararka qaar waxaa dheeraada safka ay ku jiraan baabuurta sugeysa in ay gasho gegida dayaaradaha. Taas ayaa saameysa isu socodka gaadiidka ee isgoyska. Marmar waxaa dhacda in baabuurtu ay isku xannibmaan. Hal baabuur haddii loo diido in uu galo gegida, oo dib loo soo celiyo xaaladdu wey ka sii dartaa oo waa in uu dib ugu soo laabtaa isla waddadii baabuurtu ay safnayd.

    Saxmadda Dadka

    Waxaa iyaguna isla goobta tuban dad tiro badan oo kala ujeeddo ah. Waxaa ka mid ah askar badan oo hubeysan oo qaarkood ay sitaan boobayaal kala nooc ah oo uu ka mid yahay qoriga riddada dheer ee dabamiinshaarka loo yaqaan, markaana isdhaaf u garwaaxiidsan rasaas. Askartan oo gashan direys ciidan oo kala nooc nooc iyo midabbo ah, waxay isugu jiraan kuwo gegida ilaaliya iyo qaar meesha ku sugaya soo laabashada baabuur ay ilaalinayeen oo gudaha ku maqan.

    Inkasta oo mas’uuliyiiinta sare ee Dowladdu ay isticmaalaan irdo kale, haddana mararka qaar waxaa dhacda in sidii dagaal dhici rabo ay goobta yimaadaan baabuur dul bannaan ah oo xawaareynaya, oo markaa ay ka soo daataan askar aad u hubeysan oo tiro badan. Waxay markiiba ka howlgalaan si ay u gudbiyaan baabuur dhex iyo caga waaweyn oo la yiri xabbaddu ma karto oo ay gelibinayeen. Waxaad qiyaasi kartaa uun in uu fuushan yahay qof madax ah. Markaas ayay saxmadda gaadiidka iiyo midda ciidankuba ay ka sii daraan. Is dhex yaaca, fara isku taagga iyo qeyladuna wey bataan.

    Aniga ilama ahan in muuqaalkaasi uu yahay midka ugu fiican ee magaalada ra’yi wanaagsan ka siin kara qofka Soomaaliga ah ee dalka muddo moogaa ama ay hadda ugu horreyso sdia dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay. Sidoo kale qofka ajnebiga ah oo markii horeba shakiga iyo baqdinta ka qabay imaatinka Muqdisho, marka waxa ugu horreeya ee uu arko uu yahay muuqaalka noocaas ah, waxa keliya oo uu ku sii kordhi kara shakiga awalba ku jiray ee ahaa armay khalad tahay in uu Muqdisho yimaado.

    Aden-Cadde 1 Mog

    Haddii ay wax dhacaan ma laha waddo kale ama jiho loo baxo oo xaaladdaas looga badbaado.

    Meel Baabuurta la Dhigto

    Garoonku ma laha xero baabuurta la dhigto oo nadiif ah laguna ilaaliyo. Weliba dhul weyn oo ballaaran oo aan dhisneyn oo ay Dowladdu leedahay ayaa ku dhinac yaal iriddan mashquulka badan. Bannaankaas oo la oodo, irdo loo yeelo, ilaalana la dul dhigo wuxuu dadka safraya iyo kuwa sagootinaya ama soo dhaweynaya u sahli lahaa howshooda iyo bedqabkooda. Waxaana ka soo xaroon lahaa dakhli.

    Dakhli naga soo gala iska daaye, Barxaddaas annaga ayay hadda lacagi nooga baxdaa sannad kasta. Marka ay dabayshu ka soo dhacdo dhanka badda, waxay hore u soo martaa dhulkaa bannaan, waxay ka soo qaaddaa bacaad ay ke reebto waddada oo uu uga sii daro oo dhinac dhan si ku meel gaar ah uu u dul deggenaado ilaa kharash lagu bixiyo oo laga qaado inta aanuu ku soo laaban saacado ka dib.

    Gelid iyo Bixid

    Waxaa iyadana ay taladeedu maqan tahay in la helo irid laga galo gegida iyo mid laga baxo oo haddii ay suurta gal tahay kala fog. Tusaale ahaan, Iridda hadda loo yaqaan Medina Gate waxay noqon kartaa Gelid, u furan dhinaca Gegida oo keliya, kana owdan dhanka Xalane. Iridda hadda la adeegsadana waxay khaas u ahaan kartaa Bixid oo keliya.

    Sir ma ahan in Medina Gate ay badiyaa AMISOM adeegsata laakiin waxay AMISOM  adeegsan kartaa iridda loo yaqaan Jazeera Gate ama irid kale ayay sameysan kartaa.

    Taasi waxay dhimi lahayd saxmadda, waxay koobi lahayd wakhtiga uu safarku qaato, waxayna yareyn lahayd khatarta amni oo xataa haddii aad is illowsiiso adiga oo Muqdisho jooga,  iyadu is kaa xusuusineysa.

    W/Q: Yusuf Garaad

    http://yusuf-garaad.blogspot.com/

    Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Xukuumadda Soomaaliya oo Muungaab ka xayirtay inuu lacag ka bixiyo Khasnada dowladda Hoose
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin ku saabsan Alshahaab ka soo diray dalka Sacuudiga

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo