Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Is-barbar dhiga Kharashka Xajka Dalalka Carabta (Qiimaha xajka 20 dal oo Somaliya ku jirto)

    Is-barbar dhiga Kharashka Xajka Dalalka Carabta (Qiimaha xajka 20 dal oo Somaliya ku jirto)

    June 28, 2022Updated:July 1, 20227 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa dunida muslimka sare u kacay qiimaha lagu taho Xajka sanadkan, kadib muddo laba sano ah oo gudashada Xajka loo joojiyey sababo la xiriira faafitaanka cudurka Corona Virus oo dunida aafeeyay.
    Xajka sanadkan 1443 Hijriyada ayaa sanadkan ku beegan 7 ilaa 12 July 2022, waxaana xujaydu ay u dareeri doonaan goobaha barakeysan ee Boqortooyada Sacuudiga, laakiin waxaa la diiwaan galiyay qiimaha xajka sare u kacay sanadkan dalal badan oo Carbeed.

    Hubanti la’aanta Xajka sanadkan iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa ayaa soo gaaray xilli danbe, iyadoo la sugayo go’aanka mas’uuliyiinta Sacuudiga ee qaabilsan arrimaha Xajka, Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga ayaa ugu danbeyn shaacisay shuruudaha ku xiran xajka iyo qoondada la dhimay ee dal kasta kasoo xajinaya dal kasta.

    Shuruudaha cusub ee sanadkan waxaa ka mida in la dhimo saamiga dalalka oo dhan 45%, iyo in da’da qofka xajinaya ay ka yar tahay 65 sano jir iyo sidoo kale qaar shuruuduguu la xiriiray cudurka Covid19.

    Qiimaha qaaliyoobay ee xajka ee xiligan ayaa loo aaneynayaa dhowr sababood oo qaarkood ay la xiriiraan xaaladaha caalamka iyo qaar kale oo la xiriira kharashaadka kordha ee gudaha dalka Sacuudiga.

    Arrimaha keenay sare u kaca qiimha Xajka, sida uu sheegay Guddiga Xajka u qaabilsan dalka Syria waxa ka mida:

    1- Sicir bararka caalamka oo dhan, kaas oo saameeya qiimaha kala duwan, gaar ahaan hoyga iyo cuntada dalka Sucuudiga.
    2- Kor u kaca ku yimid qiimaha adeegyada gaadiidka iwm
    3- Ku darista adeegyo cusub oo qasab ah (Xaaladda degdegga, caymiska caafimaadka iyo khidmadaha fiisaha).
    4- Kordhinta qiimaha lagu kordhiyay cashuurta Sucuudiga oo ah 15%.
    5- Qiimaha sare ee tikidhada diyaaradaha ee dhamaan shirkadaha gobolka iyo caalamkaba.

    Kharashka ayaa kor u kacay inta badan dalalka Carabta oo lagu qiimeeyay heerar kala duwan, iyadoo dalka ugu weyn ee sare u kaca Carabta uu noqday Kubnaan oo 300% qiimuhu kordhay, waxaana ugu yar dalka Jordan 5% kaliya sare u kacay.

    Hoos ka akhriso qiimaha xajka ee 20 Dal oo Carbeed oo ay Soomaaliya ku jirto, marka la barbar dhigo xajkii ugu dambeeyay ee ka hor cudurka Corona:

    Sacuudiga

    Qiimaha Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa hore u ahaa 10,238 Riyaal (2728 Doolar), wuxuuna hadda gaaray 14,737 kun Riyaal (3927 dollar).

    Imaaraadka (UAE)

    Qarashka ugu yar ee xajka ayaa lagu qiyaasay 25 kun oo Dirham, Xajka heerka sare ayaa gaara ilaa 60 kun Dirham iyo ka badan, waxaana xajkaasi lagu magacaabaa ‘Xajka Raaxad’a, halka sanadkan 2019-ka uu qarashka ku baxayay 18 kun (celcelis ahaan 11,000 Dollar) ilaa 45 kun oo Dirham, sida ay sheegeen maamulayaasha xajka iyo Shirkadaha Cumrada ilaa warbaahinta Imaaraatka, taas oo ka dhigan inuu kordhay inta u dhaxaysa 33% iyo 38%.

    Qatar

    Qiimaha Xajka Dalka Qatar ayaa ka bildowada 32,000 Riyaal Qatar ah oo u dhiganta 8,788 Doolar, waxaana uu gaari karaa 70,000 Riyaal ($19,225) heerka ugu sareeya.

    Kuwait

    Kharashka ugu hooseeya ee xajka ayaa ah 1,650 Diinaar Kuwaiti ah una dhiganta $5375, taasoo lagu magacaabo Xajka fudud, halka qiimaha xajka noocaan ah ee xajka ee ka horeeyay xajka uu ahaa ilaa 1,300 Diinaar ($4234), sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Guddiga Sare ee Xajka iyo Cumrada ee Kuweyt, taasoo ka dhigan koror ku dhow 27%.

    Si kasta oo loo fududeeyo Xajka, qiimaha xajka ee Kuwait sanadkan waxa uu u dhexeeyaa 2,250 Diinaar (7329 dollar) iyo 3,000 Diinaar (9772 dollar), taas oo ka dhigan korodhka 30% ee xajkii u dambeeyay.

    Cumaan

    Kharashka ku baxaya dadka xajinaya ee ka imaanaya dalka Cumaan, waa mid ka mida dallaka ugu rasiiqsan, xujeda tegeysa Madiina waa 7,577 Riyaalka Sucuudiga ah una dhiganta $2019 doollar, halka qiimaha magaalada Jiddah uu yahay 7380 Riyal Sucuudiga ah ($1966 dollar), qiimaha xujayda dhulka ee ka imanaya dalka Cuman ilaa Madiina ama Makkah waa qiyaastii 5,915 riyal ($1,576).

    Yeman

    Qiimaha xujayda Yemen ee xilli sanadeedkan ayaa lagu sheegay 12,820 Riyal Sucuudiga ah oo u dhiganta $3,416 doolar, celceliska qiimaha xajka ee Yemen xilligii ugu dambeeyay ka hor inta aan cudurka dillaacin wuxuu ahaa $ 2,300, waana koror 30% ah, sida lagu sheegay bayaan uu soo saartay Wasaaradda Awqaafta Yemen.

    Ciraaq

    Qiimaha xajka marka la adeegsanayo diyaarad ayaa ah ilaa $4200 oo dollar, halka qiimaha dhulkana uu yahay $3450 dollar. Sanadki 2019 qarashka xajka wuxuu u dhexeeyay 3 milyan ilaa 700 kun oo diinaar lacagta Ciraaq ah, una dhiganta $2535 dollar xujayda dhulka iyo 4 milyan iyo 850,000 oo diinaar xujeyda diyaarada ($3,322 dollars), koror ahaan waa 26.4% iyo 36%.

    Falastiin

    Qiimaha ayaa u dhexeeya 2,700 Diinaar Urdun ($3808) iyo 2,800 oo Diinaar Urdun ah ($3949) ee Daanta Galbeed, qiimaha Marinka Gaza ayaa kor u kacay ilaa 3,200 Diinaar ($ 4513) sababtoo ah habka safarka ee kala duwan iyo khidmadaha socdaalka.

    Qiimaha Xajka ee Falastiiniyiinta gudaha Israa’iil waa 30,000 sheqel Israel ah una dhiganta 8,704 dollars, koror dhan 3,000 sheqel (870 dollar) marka loo eego xajkii ugu dambeeyay, koror dhan 10%.

    Wasaaradda Awqaafta ee dalka Urdun ayaa ilaalisa oo mas’uul ka ah habka xajka ee Falastiiniyiinta, haddii ay ahaan lahayd Daanta Galbeed ama gudaha khadka cagaaran, iyo Marinka Gaza.

    Syria

    Qiimaha xujeyda suuriya ee xiligan ayaa ah $3,700 oo dollar, waxaana xajkii ugu dambeeyay ee sanadkan 2019 uu ahaa ilaa 3 kun oo dollar, taasi oo ka dhigan in 23% uu kordhay qiimaha.

    Waxaa xusid mudan in Xajka Suuriya uu ku jiro gacanta Guddiga Sare ee Xajka dalkaasi, kaas oo xiriir la leh mucaaradka Suuriya (Isbaheysiga Qaranka ee Kacaanka iyo Mucaaradka), kadib markii Sacuudiga xiriirka u jaray dowladda Syriya ilaa sanadkii 2012.

    Jordan

    Qiimaha xajka ee sanadkaan ayaa u dhexeeya 2,000 Diinaar ($2,820) iyo 2,200 Diinaar ($3,103), halka qiimaha xajka ee u dambeeyay uu ahaa 2,100 Diinaar ($2,961), taasoo ka dhigan in wax yar uu kordhay labada xilli, qiyaastii 5%.

    Lubnan

    Qiimaha xajka ahaa lagu sheegay 6 kun oo dollar, waxaana laga yaabaa in uu kor u kaco ilaa 12 kun oo dollar, halka qiimaha sanadkan 2019 uu ahaa inta u dhaxaysa 2300 ilaa 3 kun oo dollar, taas oo ka dhigan in uu kordhay 160% ilaa 300%.

    Masar

    Kharashka xajka ee xilligan wuxuu u dhexeeyaa 82,000 rodol ($4375) iyo 177,500 pounds ($9445), kharashaadkan ayaa kordhay marka loo eego xajkii hore ee 2019 30% ilaa 40%.

    Suudaan

    Kharashka ugu hooseeya ee xujeyda Suudaan xilligan Waa Laba milyan iyo 117 kun oo Geniga Sudan ah ($4,637), halka kharashka ugu badan uu yahay: Laba milyan iyo 857 kun oo gini ($6258 dollars).

    Qiimaha xajka ayaa ah mid kala duwan marka loo eego gudahaa Suudaan, maadaama xujeydu ay ku safraan dhanka badda, halka qarashka ku baxayana uu sare u kac ku yimaado gobollada fogfog ee gobolka Daafuur ee galbeedka fog, halkaasoo xujeyda ay u safraan.

    Libiya

    Ka hor 29-kii May 2022 inta aysan Dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya soo saarin go’aanka ah in khasnadda dawladda laga bixiyo kharashka ku baxaya dhammaan xujayda dalka Liibiya, wuxuu qof kasta oo reer Liibiya ah xajka ku bixin jiray ilaa 32,000 Diinaar ($6,500 dollars). Liibiya wa dalka kaliya ee dhaqaalaha xajka ay bixiso dowladda dalkaasi.

    Tunisia

    Qiimaha xajka ee xilligaan ayaa lagu qiyaasay 16,400 Diinaar ($5279), halka sanadkii u danbeyay ee xajka 2019 uu ahaa ilaa 13,896 Diinaar ($4473), koror ku dhow 18%.

    Algeria

    Qiimaha Xajka ayaa lagu sheegay 856 kun oo Diinaar ($5,866), halka sanadka 2019 uu ahaa 565,000 Diinaar ($ 3,872), taasoo ka dhigan in qiimaha sanadkan uu kordhay 51.5%.

    Morocco

    Qiimaha xajka ee xilligaan ayaa lagu sheegay 63,800 Dirham ($6337), halka xajkii ugu dambeeyay uu ahaa 46,551 Dirham ($4623), waana koror dhan 37%.

    Mauritania

    Qiimaha xajka ee sanadkan ayaa dhan 223,000 wiqiyadood oo u dhiganta ($6106), halka kharashka sanadkii 2019 uu ahaa 149,201 wiqiyadood oo u dhiganta ($4,085), taasoo ka dhigan korodh dhan 49%.

    Somalia

    Soomaaliya oo laga isticmaalo lacagta Dollarka ayey wasaaradda Xajka dowladda Federaalka ku dhawaaqday in sanadkan lagu tegayo xajka lacag dhan $5230, halka uu sanadkii u danbeeyay ee 2019 uu ka ahaa $3800. Waxaa kordhay 37%.

    Isha: Wadani, Al Jazeera + Arab Press iyo Baraha Bulshada.

    Hajj Qiimaha Xajka Saudi Somaliya Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir Beyle oo Su’aalo adag laga weydiiyey Xisaab-xirkii 4 sano iyo Jawaabo aan lagu qancin
    Next Article Ra’iisal wasaarihii hore Rooble oo jawaab culus u diray Fahad Yaasiin, Prof. Ingiriis iyo Sheekh…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo