Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Isbaheysi uu hoggaamiyo Wadaad ay Col yihiin Mareykanka oo ku guuleystay Doorashadii Ciraaq

    Isbaheysi uu hoggaamiyo Wadaad ay Col yihiin Mareykanka oo ku guuleystay Doorashadii Ciraaq

    May 19, 2018Updated:May 19, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Isbahaysiga uu hogaamiyo wadaadka Shiicada ah ee Muqtadaa Sadr ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadii guud ee baarlamanka dalka Ciraaq.

    Natiijada kama dambaysta ah ee Gudida Doorashooyinku soo saaray ayuu isbahaysiga Saa’iruun ka helay 54 kursi, waxaa kaalinta labaad galay Isbaheysiga Fatxi ee kooxda Xashdi uu helay 47 kursi, halka xisbiga Ra’isal wasaaraha talada haya ee Xaydar Al-Cabbaadi uu ku galay kaalinta saddexaad 42 kursi. Tirada Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka kooban 329 kursi.

    Sadr oo ku caan baxay Wadaad si weyn uga horjeeda Maraykanka, isla markaana la dagalaamay  ciidamada Mareykanka ayaa ah dhinaca kale wadaadka kaliya ee Shiicada ah oo aan xiriir fiican la laheyn Iiraan, balse Wadaadku ma noqon karo Ra’iisal wasaare isagoo aan isku sharxin wax xil ah, wuxuuse kaalin weyn ku yeelanayaa dhismaha xukuumadda cusub ee Ciraaq.

    Muqtadaa Sadr wuxu isku dadka isku tusay inuu yahay nin musuqmaasuqa la dirira, waxaanu magaciisu soo shaac baxay markii maleeshiyada uu hogaaminayay dagaalka kala hortageen ciidamadii Maraykanka ee Ciraaq galay sanadkii 2003-dii. Sidoo kale waa nin aad u dhaliila Iran.

    Doorashooyinkani waa kuwii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo intii Ciraaq ku dhawaaqday in ay ka guulaysatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka bishii Diisember. Weli waxa jooga Ciraaq 5000 oo askari oo Maraykan ah oo taageerayey ciidamada dalkaas ee la dagaalamayey kooxda Daacish.

    Isbahaysiga Saa’iruun ee uu ka midka yahay xisbiga Istiqaama ee Sadr waxa kale oo ka mid ah lix kooxood oo badankoodu yihiin Cilmaaniyiin oo uu ku jiro xisbiga Shuuciga ah ee Ciraaq.

    Dhanka kalena, inkasta oo xisbiga Ra’isal Wasaare Cabbaadi aanu guul wayn ka soo hoyn doorashada, ayaa waxa suurto gal ah inuu hadana mar kale noqdo ra’isal wasaare maadaama oo ay socdaan wadahadallo lagu soo dhisayo xukuumadda cusub oo muddo sagaashan cisho gudahood ah lagu soo dhamaystiri doono.

    Dadka u soo baxay codbixinta doorashada baarlamanka ayaa ahaa boqolkiiba 44.5 dadkii diiwaan gashanaa, waana mid aad uga hoosaysa tirada dadkii u soo baxay codbixinta doorashooyinkii hore.

    Ciraaq Muqtada Sadr Sadr
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDad ku dhintay Roobab Dabeylo wata oo ku dhuftay Berbera & Duufaan ku fool leh Xeebaha Seylac
    Next Article XOG: Afhayeenkii Maamulka G/Banaadir oo xilkii laga xayuubiyey & xil kale oo loo magacaabay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo