Siyaasiyiinta hogaamisa Xisbiyada Siyaasadda ee ka jira Muqdisho ayaa maanta ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka ka dego 10-ka September 2016.
War-saxaafadeed ay soo wada saareen isbaheysi ay leeyihiin Xisbiyadda Siyaasadda ee aan weli la shaciyeyn ayaa madaxweynaha looga dalbaday inuu faarujiyo kursiga wixii ka danbeeya mudadda sharciga ah.
Waxaa kaloo ay Xisbiyada Siyaasadda ka hadleen go’aanadii kasoo baxay Shirkii Madasha Qaran oo qodobo dhowr ah ay kasoo qaateen.
HOOS KA AKHRI QORAALKA XISBIYADDA
Wadani.com