Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Isbaheysiyada siyaasadeed ee ugu weyn Somaliya oo War-murtiyeed culus kasoo saaray Hiigsiga cusub & Dowladda Federaalka

    Isbaheysiyada siyaasadeed ee ugu weyn Somaliya oo War-murtiyeed culus kasoo saaray Hiigsiga cusub & Dowladda Federaalka

    July 28, 2015Updated:July 29, 20156 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    WAR MURTIYEED AY WADAJIR U SOO SAAREEN MADASHA MIDNIMADA IYO DIMOQRAADIYADA (MMD) IYO ISBAHAYSIGA QARANIMADA IYO DIMOQRAADIYADA (IQD)

    War saxaafadeed – July 28, 2015

    Joint Statement Logos

    Iyadoo MADASHA MIDNIMADA IYO DIMOQRAADIYADU (MMD) tahay Madal iyo Dallad siyaasadeed oo ay ku bahoobeen Ururro Siyaasadeed, Siyaasiyiin iyo xubna ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Somalia oo ka wakiil ah Umadda Somaliyed.

    Iyadoo ISBAHAYSIGA QARANIMADA IYO DIMOQRAADIYADU yahay Isbahaysi iyo Dallad siyaasadeed oo ay ku bahoobeen Ururro Siyaasadeed, Siyaasiyiin iyo xubna ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Somalia oo ka wakiil ah Umadda Somaliyed.

    Iyadoo labada Madallood markay isla falanqeeyeen xaaladda Dalku maanta ku sugan yahay, gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo hawlaha baaxadda weyn leh oo ina horyaalla, waxay ku qanceen in Somalia la marin habaabiyey ayna ku socoto waddadii burburka iyo dibudhaca. Sidaas darteedna waxay caddaynayaan arrimaha hoos ku qoran:

    FUD-NDC

    Waxaan qiraynaa mabaadi’da ay xambaarsanaayeen barnaamijka Aragtida 2016 iyo Barnaamijka Higsiga Cusub oo ay Dawladda Federaalku ballan qaadday inay guulo la taaban karo ka soo hoyiso dhinacyada Siyaasadda, Dastuurka, Nabadgelyada iyo dhaqaalaha oo ay samayso isbeddel Dalka gaarsiiya in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah 2016.

    Waxaan ka xunnahay in madaxda hoggaanka u haysa Somalia ay ku fashilmeen hirgelinta iyo horumarinta Dastuurka, mabaadi’dii ku qeexnayd Aragtida 2016 oo ah qoraal ay Dawladda keligeed samaysay ballanna ku qaadday hirgelintiisa bishii September 2013. Sidoo kale waxay Dawladdu ku fashilantay ballamadii ay qaadday inay fulinayaan Heshiisyadii Higsiga cusub oo ay galeen. Heshiisyadaas ay Dawladdu gashay iyo ballamadii ay qaadday waxaa loola jeedey in lagu horumariyo arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha, lana gaaro guulo la taaban karo oo Dalka u keena horumar iyo xasillooni siyaasadeed iyo jawi lagu qaban karo doorasho xor ah oo xalaal ah 2016. Iyadoo qaabka loo hirgelinayo barnaamijka Aragtida 2016 uu noqday mid ku kooban Madaxda keliya uuna Madaxwynuhu ka dhigtay aalad uu awoodda si sharci darro ah ugu maroorsado. Sidaas darteed, hab dhaqanka Madaxda Dawladda waxaa ka aamin baxay daneeyayaasha siyaasadda Somalia iyo shacabka Somalida.

    Waxaan la fajacney sida aan gabbashada lahayn oo Madaxda Dawladdu u maroorsatay nidaamkii lagu magacaabi lahaa Guddiyada Dastuuriga ah taasoo shuhubeysey madax bannaanida iyo hufnaanta Guddiyadaas iyadoo la geesmaray la tashidgii hay’adaha Qaranka ee Dastuurka ku meel gaarka ahi jideeyey.

    Waxaan caddaynaynaa oo u sheegeynaa Shacbiga Somaliyed in Guddi ku sheegyadii dhowaan la dhoodhoobay oo ay ka mid yihiin Guddiga Madaxa bannaan oo Doorashooyinka, Guddiga Xuduudaha, Guddiga adeegga Garsoorka iyo shanta xubnood ee Guddiga Dastuurka ay dhammaantood yihiin sharci darro mana waafaqsana Dastuurka ku meel gaarka ah. Guddiyadaas looma samayn danta guud ee Ummadda Somaliyed sida horumarinta nabadda, Dimoqoraadiyada, sinaanta iyo caddaalada. Laakiin waxaa si khiyaama ah loogu samaystay in loogu adeegto qaab musuq maasuq, caddaalad darro iyo cod ku shubasho ah.

    Waxaan ka walaacsannahay in Madaxda Qaranku ku guul darraysatay inay la timaado siyaasad ku dhisan niyad sami, wadatashi iyo isu tanaasul siyaasadeed oo ay la yeelato Dawlad Goboleedyada iyo hey’adaha siyaasadeed ee Qaranka iyo Bulshada rayadka ah.

    Waxaan ku qanacsannahay in Madaxweynuhu uu ku guul darraystay ilaalinta midnimada Qaranka iyo nabad ku wada noolaanshaha ummadda Somaliyed. Xilkaas uu ku fashilmay waa kan dastuuriyan loogu idmaday oo ay ahayd inuu fuliyo.

    Waxaan cambaaraynaynaa dhaqanka keli talisnimada ee Madaxweynaha, amar ku taaglayn iyo adeegsiga awoodo aan Dastuurku u bannayn, fara gelin joogta ah oo uu ku hayo hay’adaha Qaranka sida Baarlamaanka, Garsoorka iyo Hay’adda fulinta. Madaxweynuhu wuxuu boobay awoodii hawl fulinta Golaha Wasiirrada oo dhalisay iska horimaad isaga iyo Ra’isul Wasaarayaal dhawr ah, iyadoo ay si cad ugu qeexantahay Qodobka 97aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah in awooda fulinta ee Dawlada ay tahay masuuliyada Golaha Wasiirrada. Xadgudubkaas Madaxweynuhu wuxuu keenay in saddexdii sano ee la soo dhaafay lagu mashquulo dagaal iyo iska hor imaad dhex mara isaga iyo Ra’isul Wasaarayaashiisa oo sababay in hawlihii Dawladdu curyaamaan wakhti qaalli ahina dhumo.

    Waxaan xaqiijinaynaa in samaynta Dawlad Goboleedyada ay dheehday danta gaarka ah ee siyaasadeed ee madaxda Dawladda, daahfurnaan la’ aan iyo iyadoon la isku hawlin dib u heshiisiin dhab ah. Qaabkan qaldan waxaa ka dhashay colaad dhex marta beelaha wada dega iyo Dawlad Goboleedyada taasi oo khatar gelineysa nuxurkii nidaamka Federaalka ee Dastuuriga ah.

    Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa xaqiiqada ah inuu Madaxweynuhu ku fashilmay dhiirrigelinta siyaasad loo dhan yahay taasi oo ku cad Barnaamijka Aragtida 2016 iyo qoraallada Higsiga Cusub. Sida runta ah, qayba ka mid ah yoolka nabadda iyo Dawlad dhisida (PSG1) ee Higsiga Cusub ayaa si gaar ugu nuuxnuuxsanaya muhimada siyaasadda loo dhan yahay, hanuuninta siyaasada iyo heshiis siyaasadeed oo lala galo Dawlad Goboleedyada.

    Waxaan la yaabbannahay baahsanaanta musuqmaasuqa iyadoo Madaxda Qaranku xalaalaysteen xatooyada xoolaha Ummadda iyadoo la xadayo lacagtii khasnada soo gashay iyo tan taalla goobaha dhaqaalaha cashuurtu ka soo galo, iyadoo si sharci darro ah loo xaraashayo dhulkii danta guud ee ahaa hantida Dadweynaha iyo iyadoo la bixinayo qandaraasyo aan loo marin wax sharci ah.

    Waxaan cambaaraynaynaa xadgudubka joogtada ah oo Dawladdu ku hayso mabaadi’da xuquuqda aadanaha oo ku qeexan Dastuurka Kumeel gaarka ah, iyadoo la hayo caddaymo aan la defiri karin oo ah in la iska xiro dadka rayadka ah iyo shaqaalaha war baahinta, dad rayad ah oo maxkamad ciidan xakuntay, iyo dil toogasho ah oo lagu fuliyey dad rayad ah oo maxkamad militari xakuntay. Madaxda Qaranku waxay adeegsadaan hanjabaado iyo caga jugleyn si loo cabburiyo mucaaradka, warbaahinta xorta ah iyo in la joojiyo xorriyada hadalka.

    IYADOO LA TIXGELINAYO QORAALKA KORE IYO ANNAGOO GARAWSAN MASUULIYAD WADAREEDKA NAGA SAARAN BADBAADINTA DALKEENA.

    Haddaba SIDAAS DARTEED,

    MMD IYO IQD waxay la tahay in Dalkeenu halis ku jiro sababtuna tahay fashilka ku yimid Madaxda Waddanka hadda maamusha iyagoo ku guul darraystay hirgelinta ujeeddooyinka Dastuurka ku meel gaarka ah, dhawrista midnimada iyo wadajirka, iyo hirgelinta agendaha Qaran ee ku xusan qoraallada Barnaamijka Aragtida 2016. Baahida deg deg wax uga qabasho ee arrimaha kor ku xusan awgood, MMD iyo IQD:

    Waxay ku baaqaynaa in si wada jir ah loogu hawl galo siyaasad cusub oo ay ka qayb qaataan dhammaan Somalida siyaasadda danaysa oo ay ku jiraan Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed/Madallada iyo Bulshada rayadka ah si loo midoobo loona yeesho hadaf midaysan oo si wadajir ah loogu hawl galo ka hortagga khatarta Dalka ku soo fool leh.

    Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Somalia inay isugu yimaadaan gogol Qaran oo looga tashado aayaha Waddankeenna muddo yar gudeheed, laguna qabto goob ay oggol yihiin dhammaan ka qayb galayaasha gogoshu. Gogosha wada tashiga Qaran waxaa lagu gorfaynayaa sidii loo horumarin lahaa siyaasad ku salaysan agenda Qaran oo u gogol xaarta yagleelida Dawlad si dimoqoraadi ah loo soo doortay kuna shaqaysa falsafadda ah in awoodda ugu weyn uu Dadku leeyahay.

    Waxaan ugu baaqaynaa Bulshada Caalamka inay taageeraan wada hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo Somalidu hoggaamineyso ujeedadiisuna tahay in la helo fikrad cusub oo mar kale diiradda lagu saarayo laguna qiimaynayo Barnaamijka Aragtida 2016 iyo sidii loogu soo afjari lahaa si caqli gal iyo suurta gal ah.

    Dhamaad

    ###

    Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la soo xariir:

    Xildh.Abdirahman Hosh Jibril

    Wasiirkii hore ee Dastuurka kana mid ah
    Asaasayaasha NDC
    Tel: +254704973651; +252618546328;
    Email: [email protected]

    Duale Adam Mohamed

    Wasiirkii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta
    Sare, kana mida Asaasayaasha FUD
    Te: +254713221119, +252615476256
    Email: [email protected]

    FUD Hiigsiga cusub Isbaheysiga siyaasadda NDC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJOINT STATEMENT BETWEEN THE FORUM FOR UNITY AND DEMOCRACY ( FUD ) AND THE NATIONAL DEMOCRATIC COALITION ( NDC)
    Next Article Germany suspects Islamist who lived in Germany bombed Mogadishu hotel

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo