Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Isbarbardhigga awoodaha militeriga ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

    Isbarbardhigga awoodaha militeriga ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

    September 26, 2020Updated:September 26, 20205 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wargeyska Global FirePower, ayaa dhawaan soo bandhigay liiska muujinaya awoodaha milatari ee waddamada caalamka. Warbixintan waxaan la isku barbar dhigayaa awoodaha milatari ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

    Inkastoo arrimo badan lagu eegayo xogta waddamada, Soomaaliya ayaa tirada ciidanka u dhiganta ama wax yar ka hooseysa Kenya. Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca milatariga.

    Kenya

    Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

    Tirada guud ee shacabka Keny waxay ka badan yihiin 48 milyan,

    Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 ruux, oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud.

    12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

    Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 848,370.

    Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya.

    Awoodda Ciidanka Cirka – Kenya

    Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya.

    17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka.

    20 waxay kala gudbiyaan saanadda milatari.

    32 waa diyaaradaha tababarka.

    2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah.

    79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”.

    Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya

    Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin:

    76 taangi.

    479 gawaadhida gaashaaman ah.

    30 madaafiicda iskood isu haga ah.

    25 madaafiicda la jiido ah.

    Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido.

    Awoodda Ciidamada Badda – Kenya

    Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19.

    7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

    Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

    Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya

    Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar.

    Deynta dibadda waa $27,590,000,000.

    Muhiimadda Juqraafi ahaan – Kenya

    Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 km.

    Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 km.

    Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457 km.

    Kenya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

    Soomaaliya

    Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

    Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.

    Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

    1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

    Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.

    Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

    Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

    Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

    Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

    Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

    Soomaaliya waxay leedahay

    10 taangi.

    100 gawaadhida gaashaaman.

    Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

    30 madaafiicda la jiido ah.

    10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

    Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

    Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

    11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

    Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

    Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

    Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

    Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

    Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

    Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

    Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

    Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

    Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

    Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

    Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

    Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

    Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

    Itoobiya

    Itoobiya waxay kaalinta 60-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

    Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 108,386,391.

    Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 41,143,474 ruux, oo u dhigma 38.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

    25,508,954 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

    Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.

    Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 162,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.

    Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya

    Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 86.

    Itoobiya waxay leedahay:

    24 diyaaradaha dagaalka ah.

    9 saanadda kala gudbiya.

    20 loogu talagalay tababarka.

    33 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

    8 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah.

    Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah.

    Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya

    400 taangi.

    114 gawaadhida gaashaaman.

    67 madaafiicda iskood isku haga.

    650 madaafiicda la jiido ah.

    183 qalabka lagu rido gantaallada ah.

    Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya

    Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

    Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona.

    Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya

    Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $350,000,000 oo doolar.

    Deynta dibadda waa $26,050,000,000.

    Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya

    Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km.

    Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb.

    Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km.

    Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km.

    Isha: Global FirePower
    Tarjume: BBC

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Maxaa iska bedelay C/weli Muudey..? (Ansixinta Heshiiska Doorashada & xaalada Xildhibaanadii diidanaa)
    Next Article AKHRISO: Qoraalka Codsiga Madaxweyne Farmaajo u diray labada Aqal ee Baarlamaanka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo