Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Isbeddelka Itoobiya & Is-muquuninta Qowmiydaha [Qormo ku saabsan xaaladda Itoobiya]

    Isbeddelka Itoobiya & Is-muquuninta Qowmiydaha [Qormo ku saabsan xaaladda Itoobiya]

    February 18, 20185 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Isbeddel ku cusub Xukunka iyo dhaqan-siyaasadeedka Itoobiya, lagana yaabo in uu halistiisa yeesho ayaa hadda ku socda qaabkii ay Itoobiya u dhisnayd, kuna ahayd dowlad isl aweyn muddo dheer. Jabhadda xoreynta dadka Tigree oo la aasaasay sanadkii 1975-tii; iyo isbaheysigeeda EPRDF; oo xukumayey Itoobiya muddo ku dhow 30; sano, ayaa u muuqda kuwo ku jira maalmihii u dambeeyey ee noloshiisa siyaasadeed.

    Madaxda sare ee EPRDF; jabhadda dimoqraadiga kacdoonka dadka Itoobiya; oo ka kooban afar xisbi qabiil ayaa wajahaya welwel iyo cabsi kaddib iscasilaadda Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe.

    Isabaheysiga EPRDF; ayaa ka sameysmay isutag ay sameeyeen TPLF oo Tigree ah iyo SEPDM; oo metela dadka dega Koofurta Itoobiya, iyada oo 1989-kii, intii uu ku jiray jabhadeynta lagu soo daray OPDO; Ururka dimoqraadiyadda dadka Oromada iyo ANDM; dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee Amxaarada.

    Ismaamul-goboleedyada Itoobiya ayaa qaarkood qorsheynaya in ay sameeyaan mid lamid ah kacdoonkii Wayane; oo sanadkii 1943; ka kacay gobolka Tigraay, Xayle Salaase iyo Abebe Arege; oo taliyeyaal ciidan ka ahaa kacdoonkaas billowgiisii ayaa sameystay waagaas halqabsiga ah “ Dowlad ma jirto ee aan ismaareyno isna xukuno”, wax u muuqda in ay ka turjumayaan sameysiga is xukun iyo in xukunka Adisababa laga hoos baxo ayaa ka hulaaqaya ismaamul gobleedyo ay Oramada iyo Amxaaradu ugu horreeyaan, kuwaas oo ay suurtagal tahay in ay jiheeyaan inta badan qowmiyadaha dalkaas.

    Siraj Fegessa; Wasiirka gaashaan-dhigga Itoobiya

    Siraj Fegessa; wasiirka gaashaankdhigga ee Ethiopia ayaa u sheegay warbaahinta kaddib iscasilaadii Raisalwasaare Desalegn Boshe; in Itoobiya geleyso xukun iyo xaalad degdeg ah muddo 6; bil ah, ujeedka xukunka degdegga ah ayaa ah in lagu xakameeyo deganaansho la’aanta, Bannaanbaxyada iyo mucaaradka ku dhexsameysmaya xasilooni la’aanta.

    Dowladda ayaa dhowr mar iskudayday in ay sameyso wax u eg xaalad degdeg ah balse taasi waxa ay sababtay dhimasho iyo burbur hordhac u noqday xasilooni la’aanta laga cabsi qabo in ay sabab u noqoto dhalashadaItoobiya kala qaybsan

    Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; oo ka soo jeeda qomiyadda Waleyta oo kamid ah shucuubta koofurta Itoobiya kana mid ah Xisbiga SEPDM; oo kamid ah ururada sameeyey isbaheysiga EPRDF; ee xukuma Itoobiya ayaa halmar kawada tegey xilkii raisalwasaarenimo iyo hoggaamiyenimadii EPRDF; waxa uu ku sheegay sababta in muddo dheer dalku ku jiro bannaanbaxyo sababay dhimasho badan, iscasilaaddiisana waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tallaabo suurtagal ka dhigi karta sameynta dib u habayn siyaasadeed.

    Iyada oo aan looga baran ayuu si cad u muujiyey in xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo deganaansho la’aantu ay sababeen dhimashada iyo barakaca dad badan oo Itoobiyaan ah.

    Waxa uu xilka ka degay iyada oo uu taagan tahay kacdoonkii ugu weynaa uguna adkaa ee ka horyimaada xukunka itoobiya muddo 25; sano ah.

    Hadda tirada ay sheegtay xukuumadda Itoobiya oo ah maxaabiis siyaasadeed ayaa gaartay 6500; oo qof, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dadka u ololeeya ballaaranta xukunka iyo talada Itoobiya oo sidii uu hirgalay 27; sano kahor xukunka TPLF ku jira gacan bir ah iyo xabsi neefdiid ah, kaas oo ku ad-adkaa dhammaan dadka dhalliila.

    Oromada oo isu aragta in ay ka ooman tahay xukunka iyo talada Itoobiya iyo Amxaarada oo isu aragta in shan farood iyo calaacal looga faramaroojiyey xukunka dalka ayaa wada isusoo bax aad u weyn oo ay qurbajoogta labada qabiil ka teegarayaan dibadda.

    Bannaanbaxayaal oromo ah, oo diiddan DowladdaItoobiya 2016. Isha Sawirka

    Amxaarada iyo Oramadu haddii ay is garabsadaan waxa ay ka dhigan yihiin 61% dadka Itoobiya, balse iskaashiga Oroma iyoo Amxaarada waxa hortaagan Tigree oo isbaheysi bawdo qaawis u ah la leh Qabaail yaryar bale aad u tirabadan marka la isugeeyo.

    Xukunka Itoobiya dhinacyada Ciidanka, Dhaqaalaha, Sirdoonka iyo Warbaahinta waxa gacanta ku haya kaadir aaminsan sarreynta Qabiilka Tigree, ama dad katirsan qowmiyadaha kale balse u tirsan kuna tirsan Tigree, sababta ugu weyn waa in Tigree dareensan yahay in haddii aanay xukunka hayn ay suurtagal tahay in si ba’an looga aarguto, waana taas mid kamid ah sababaha ay jabhadda xoreynta dadka Tigree; ugu ololeysay in Itoobiya noqoto Dowlad federal ah oo xukunku u kala qaybsan yahay Caasimadda iyo caasimadaha ismaamul goboleedyada.

    Qowmiyadaha Aari, Afar, Agaw-Awi, Agaw-Hamyra, Alaba, Amhara, Anuak, Arbore, Argobba, Bacha, Basketo, Bench, Berta, Bodi, Brayle, Burji, Bena, Chara, Daasanach Dawro, Debase/ Gawwada,Dirashe,Dime, Dizi, Donga, Fedashe, Felasha,Gamo, Gebato, Gedeo, Gedicho,Gidole, Goffa, Gumuz, Gurage, Silt’e Hadiya, Hamar, Harari, Irob, Kafficho, Kambaata, Konta, Komo
    Konso, Koore, Koyego, Kunama, Karo, Kusumie, Kwegu, Male Mao, Mareqo, Mashola, Mere, Me’en,Messengo, Majangir, Mossiye, Murle, Mursi,Nao, Nuer, Nyangatom, Oromo, Oyda Qebena, Qechem, Qewama, She, Shekecho, Sheko, Shinasha, Shita/Upo, Sidama, Somali, Surma, Tigray, Tembaro, Tsamai Welayta, Werji, Yem, Zeyese, Zelmam, iyo Dorze, intooda badan waxa ay gacansaar isgarabsi ah la leeyihiin TPLF, waxa ayna xubno ka yihiin Isbaheysiga EPRDF;

    Raisalwaasare Hailemariam Desalegn Boshe; waa la aqbalay iscasilaaddiisa, guddiyada fulinnta ee xisbigiisa SEPDM iyo isbaheysiga EPRDF ; ayaa sidaas u sheegay warbaahinta dowladda.

    Safaaradda Itoobiya ee Landhan oo soosaartay War kooban ayaa sheegtay in la aqbalay iscasilaadda raisalwasaaraha basle waxa uu sii wadi doonaa howsha inta laga helayo cid bedesha, taas oo ka soo bixi doonta shir weynaha soosocda ee isbaheysiga EPRDF.

    Desalegn Boshe; waxa uu ahaa siyaasi aan muuqan, qunyar socod ah, kuna fiican maamulka iyo maareynta, waxa uu ka hoos shaqeynayey hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee Meles Zenawi Asres; oo geeriyooday Agosto 2012

    WQ: Axmed Ciise Guutaale

    Dersa Sharciga & Qaanuunka

    Xigashada:

    http://www.independent.co.uk; www.theguardian.com; http://www.aljazeera.com

    Abdulahi Nur Colombo; magacyada qowmiyadaha ayaan ka soo xigtay qoraalkiisa

    Eithopia Itoobiya Oromo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAfhayeenkii Madaxweyne Xaaf ee lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb oo la sii daayey [Xaaf oo faragelin ku sameeyay]
    Next Article Wasaaradda Gaadiidka oo Sharci kasoo saartay Sumada Gaadiidka & Taargooyin cusub oo lasoo saarayo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo