Isbedel degdega ayaa durba ku bilowday Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA, maalin uun ka dib markii uu xilka la wareegay agaasimaha cusub ee uu magcaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mahad Maxamed Salaad ayaa 24 saac gudahood sameeyay magacaabid, xarig iyo shaqo ka joojin qaar ka mida saraakiisha sare ee Hay’adda NISA. Xubnaha la magacaabay waxaa ka mida Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha NISA ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Shalay waxaa la xiray saraakiil uu ka mid yahay Jeylaani Maxamed oo Hay’adda NISA u qaabilsanaa baaritaanka Waxyaabaha kasoo dega ma ka dhoofa Garoonka Muqdisho iyo xubno kale oo markii danbe la sii daayey.
Isbedelka weyn ee Agaasimaha cusub ee NISA qaaday ayaa ku socda Taliska NISA ee Gobolka Banaadir iyo kan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, labadaas meel oo ahaa kuwii dowladii Farmaajo ay siyaasad ahaan u adeegsaday, kuna geystay tacadiyo badan.
Inkastoo ansixinta magacaabidda Mahad Salaad ee Xukuumada Xilgaarsiinta sharci ahaan dood ka taagan tahay, haddana howsha u taalla ee nadiifinta gudaha Hay’adda ayaa ka xoog badan tan Hay’adda u xilsaarneyd ee sugidda Amniga Gudaha.
Xillgan ma jiro Gole Wasiiro, lamana magacaabin Ra’iisal wasaare, taasoo Mahad Salaad u sahleysa isagoo gacan ka helaya Madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilalka ka qaado ama shaqada ka eryo saraakiisha la tuhunsan yahay.