Wararka laga helayo degmada Balcad ayaa sheegaya in iska hor imaad kale uu maanta ka dhacay degmadaasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Guddoomiyaha degmada, xoghyaha iyo madaxa ciidamada NISA ee degmadaasi.
Iska hor imaadka maanta ayaa dhex maray ciidamada taabacsan guddoomiyaha degmada Balcad iyo maleeshiyo la sheegay inay qas ka waday degmada oo dooneysa inay qeyb ka helaan dhaqaalaha laga ururiyo gaadiidka isaga goosha degmada Balcad iyo Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in maleeshiyaad is abaabulay ay weerareen Xarunta degmada, hase yeeshee ay iska difaaceen sida uu hadalka u dhigay, isagoo beeniyay wararka sheegaya in dagaalka uu lug leeyahay Xoghayaha degmada Balcad.
Dhinaca kale ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo uu wato Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa la sheegay in loo diray degmada Balcad si ay xal ugu helaan arrintaasi.
Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Furdug ayaa sheegay inuu Madaxda maamulka Hirshabeelle ku wargeliyay xiisada ka taagan Balcad, waxaan magaalada tegay xildhibaanno ka tirsan Hirshabelle oo doonaya inay xal u haleen xaaladda.