Waxaa la sameeyay isku aadka tartanka Kubadda cagta labaad ee maamul Goboleedyada iyo G/banaadir.
Xulalka maamul Goboleedyada ayaa soo wada gaaray magaalada Muqdisho si ay tartankaasi uga qeyb galaan, waxaana loo qeybiyay laba kooxood oo min saddex xul ay ku jiraan, kuwaasoo is wada arkaya.
Isku aadka tartamka ay ka qeyb galayaan lixda Maamul Goboleed, Waxaa loo qeybyay sidatan:
Group A:
Banaadir, Galmudug iyo Jubaland.
Group B:
Puntland, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.
Puntland oo heysata koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee loo tartamayo ayaa nasiib u heshay inay ku aado xulal aan xoog badneyn.
Tartanka oo ah mid xiiso leh ayaa furmi doona maalinta Jimcaha ee soo socota 8-da December 2017, waxaana kulanka ugu horeeya is arki doona Banaadir Vs Jubaland.