Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bilad sharafta ugu sareysa dalkiisa guddoonsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Bilad sharafta ayaa qeyb ka ahayd Casho sharaf uu xalay madaxweynaha Jabuuti u sameeyay wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, taasoo uu ku maamuusay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti u xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo la shegay inuu ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.
Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa xumaaday intii uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmajo, waxaana hadda muuqata inuu soo hagaagay.




