Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan Dooarshada madaxweynaha dalka Jabuuti ee dhici doonta bisha April ee 2021.
Madaxweyne Geelle ayaa Telefishanka dalkiiisa ka sheegay musharaximadiisa. Waxaa markii ugu horreysay xilka loo doortay 9-kii April 1999-kii, waxaana mar kasta dib loo daranayey sanadihii 2005, 2011, iyo 2016, iyado doorashadii 2011 ay qaadaceen mucaaradka oo sheegay in si weyn loogu shubry.
Ismaciil Cumar Gelle muddo 20 sano ah xilka haya, waa madaxweynihii labaad Jabuuti, waxaana inuu xilka qabto usoo xulay Adeerkiis Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti markii ay xoriyadda ka qaadatay Faransiiska.
Madaxweynaha Jabuuti oo 73 sanojir ah ayaa lagu timaamaa keligii taliye xukunka ku raaga oo ka mida madaxda Afrika ee waqtiga dheer talada dalalkooda haya, waxaana sanadkii 2010 dartiis Baarlamaanka Jabuuti uu wax-ka-bedel ku sameeyay qodobka xil heynta si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu soo sharxo xilka Madaxweynaha Jabuuti.
