Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Isra’iill oo xirtay xafiiskii Telefishka Aljazeera ee Magaalada Qudus

    Isra’iill oo xirtay xafiiskii Telefishka Aljazeera ee Magaalada Qudus

    August 6, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Israel ayaa doonaysa in ay xirto xafiiska telefishanka Qatar laga leeyahay ee Al-Jazeera ku leeyahay dalkeeda, isla markaana ay ruqsadda kala noqoto warfidiyeenka ka shaqeeya.

    Wasiirka isgaarsiinta Yuhuuda, Ayuub Kara, ayaa ku eedeeyey TV-ga in uu taageero argagixisada, waxaanu sheegay in labadiisa laamood ee Af-Carabiga iyo Af-Ingiriisiga ah labadaba la xidhayo.

    Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu, ayaa ku eedeeyey telefishanka in uu wado “isku dir”, Aljazeera ayaa se cambaaraysay go’aankaa.

    Dawladda Israel waxay sheegtay in ay go’aankeeda ku salaysay mid keeda la mid ah oo ay dalalkooda kaga mamnuuceen dhawr dal oo Carbeed oo Sunni ahi, iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed soo dhex galay dalalkaas iyo Qatar oo ah dalka maal geliya Aljazeera xaruntiisuna tahay.

    Netenyahu ayaa qoraal uu ku qoray bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ugu hambalyeeyey Kara go’aankaa uu ku mamnuucay Aljazeera waxaanu yidhi ” waan u hambalyeynayaa wasiirka oo amarkii aan siiyey fuliyey oo talaabo adag ka qaaday Aljazeera-da isku dirka wada”.

    Mid ka mid ah masuuliyiinta Aljazeera oo jooga xarunta dalka Qatar ee Dooxa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in “TV-gu aad uga xun yahay go’aanka ay gaadhay dawladda lagu sheego ta keliya ee dimuqraadiga ah ee ku taal Bariga Dhexe, isla markaana u arko talaabadaa ay qaaday mid khatar ah”.

    Netenyahu ayaa hore ugu eedeeyey TV-gan in uu hurinayo xiisadda haatan ka taagan goobta barakaysan ee ku taal magaalada Quddus ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.

    Aljazeera Aljazeera english Israel Qatar Yuhuuda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMooshinkii ugu fiicnaa ee Xildhibaanno keenaan oo Berri ka furmaya Baarlamaanka [Akhriso]
    Next Article DHAGEYSO FADEEXAD: “Madaxda Puntland ayaa shirko ku ah Makiinada sameysa Lacagta Faalsada”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo