Kadib markii jahawareer ka dhashay isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga ee Gobollada Dhexe iyo Puntland ayaa la sheegay in dadka degaanadaasi laga bilaabay isticmaalka lacagta Itoobiya.
Wararka laga helayo dadka degaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegaya in dadku bilaabeen adeegsiga lacagta birta Itoobiya.
Isticmaalka Birta Itoobiya ayaa ku sii xoogeysaneysa degmooyinka xuduudka la leh Itoobiya, waxayna sii xoogeysatay markii Shilinka Soomaaliga ay noqday laga lacag oo kala duwan, taasoo ay ugu wacan tahay lacagta lagu daabaco degaanada Puntland.
Degaanada lacagta Itoobiya laga isticmaalo ayaa waxaa ka mida degmada Caabudwaaq iyo degaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna arrintan meesha ka saari kartaa shilin Soomaaliga oo aan iminka lahayn dowlad gacanta ku heysa.