Waxaa maanta la xiray inta badan isu socodka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka caasimadda, kuwaasoo joojiyey dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo Gaadiidka.
Waxaa si weyn loo xoojiyay Amniga, taasoo ay ugu wacan tahay inuu maanta Muqdisho imaanayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo la filayo inuu ka qeyb galo xaflado ka dhacaya caasimadda.
Dadweyne badan ayaa loo diiday inay adeegsadaan Gaadiidka, halka meelaha qaar laga joojiyey dadka lugeynaya, waxaana la filayaa inuu goor dhow Garoonka Aden Cadde kasoo dego wafdiga Madaxweynaha Jabuuti.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya in uu xarigga ka jaro dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA, xaruntan dhismaheeda waxaa horey u dhagax dhigay sanadkii 2015.
Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galaya wufuud ka imaaneysa dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Kenya, iyadoo munaasabadda lagu soo beegay 50 guurada markii la qoray Af-Soomaaliga.
