Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad laga soo badbaadiyay baarka Pizza Hause ee magaalada Muqdisho.
Baarka ayaa weerar qarax ah oo lagu qaaday kadib waxaa gudaha ugu galay dabley ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inay ka kooban yihiin afar dabley ah oo ku lebisan dharka ciidamada milateriga.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka laga soo badbaadiyay dhismaha Pizza Hotel ay ka mid yihiin dad ajnabi ah oo isugu jira Kenyaan iyo Itoobiyaan. Dad kale oo ay ku jiraan ajaaniib ayaa laga cabsi qabaa inay heystaan dableyda kooxda Alshabaab.
Ciidamada Gaashaan ee gaarka ah ayaa la sheegay inay bilaabeen howlgalkooda Pizza Hause si ay uga sifeeyeen maleeshiyada Alshabaab ee ku dhex jirta.
Alshabaab ayaa sheegatay weerarka, waxayna intaas ku dartay inuu bar tilmaameedku ahaa saraakiisha iyo madaxda dowladda.
Wadani