Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga.
Kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda ayay uga hadleen sida ay ugu han weyn yihiin dadaallada horu socodka ah ee ay haatan ku tallaabsanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin isbeddelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee ku dhisan iskaashi, isdhexgal dhaqaale, is-ixtiraam iyo wax wada qabsi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, Jaaliyadda uga xog warramay Barnaamijka Isxilqaan ee sida mutadacnimada ah dib loogu dhisayo dhismayaashii danta guud, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan tageerada barnaamijkan lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka Soomaaliyeed.
Gebogabadii kulanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, ayna kala shaqeyaan dowladda hirgelinta dadaallada ay waddo ee dib loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.