Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid canshuuro uu kusoo rogay maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo cabasho ka muujiyey tacadiyo uu ku hayo maamulka Gobolka.
Qoraal saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ururka jaamacadaha ayey uga hor yimaadeen Xafiiska Canshuuraha Berriga ee degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo Jaaamacadaha kusoo rogay canshuuro laga qaadayo mushaarka ay qaateen Macalimiinta dhiga Jamacdaha ka furan Muqdisho.
“Waxaa jaamacadaha soo gaaray Amar kasoo baxay Xafiiska canshuuraha Beriga ee degmooyinka G/Banaadir oo lagu dalbanayo inay soo gudbiyaan gunnada ay qaataan macalimiinta si looga jaro canshuuro” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Jaamacadaha oo sheegay inay ka xun yihiin hab dhaqanka ciidamada tegay xarumaha waxbarashada.
Arrimaha ay ka cabanayaan ayaa waxaa ka mida: xirista xarumaha waxbarashada, in hub lala galay goobaha waxbarashada, handadaad iyo cagajugleyn iyo qaarkood maamulka waxbarashada oo la xiray.
Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Maxamud Bidey ayaa yiri: “Jaamacadaha waxaa loola yimid handadaad, caga-jugleyn iyo qori oo mamnuuc ka ah waxbarashda… Macalinka in canshuur bixi la yiraahdo waa takri fal, arintaas waxay sababeysaa in jaamacadaha lagu kala tago, waxaan ka digeynaa dhibaataadaas”.
Waxay baaq u direen xukuumadda federaalka, iyagoo ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo food saaray, waxayna ku hanjabeen inay abaabuli doonaan bannaanbaxyo haddii aan arrintooda lasoo faragelin.
