Ururka Jaamacadda Carabta ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Soomaaliya, iyadoo uu dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho.
Safiirka cusub ee Jaamacadda Carabta ayaa lagu magacaabaa Xamuud Samaran Al Jowhary Al Xuweydi, waana diblomaasi u dhashay dalka Sacuudiga.
Wasiisu dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa qaabishay safiirka cusub ee Jaamacadda Carabta, isagoo lagu wado inuu dhowaan waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Mxamed C/llaahi Maxamed.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ah ururka kulmiya dalalka Jaamacadda Carabta, wuxuuna muddooyinkii ugu danbeeyay noqday urur howlgab ah.