Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Jaamacadda UPEACE oo 100-Kun oo Dhir ah ugu deeqday Hindisaha Dib u Cagaareynta Somaliya

    Jaamacadda UPEACE oo 100-Kun oo Dhir ah ugu deeqday Hindisaha Dib u Cagaareynta Somaliya

    January 1, 2023Updated:January 1, 20233 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (UPEACE) ay dowladda ugu deeqday in ka badan 6,000 oo geed, waana qeybtii ugu horeysay boqol kun oo geed oo ay jaamacadda balanqaaday in ay ku taageerto hindisa cagaareynta dalka ee uu daahfuray Madaxweyne Xassan Sheikh.

    Qaarka mid ah lix kunoo geed oo ay kudeeqdayjaamacaddaUpeace. Jaamacadduwaxayballan-qaadday 100 kunoo geed si ay u taageertodadaalka dib-u-cagaareyntadalka

    Dhirtan ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana lagu beeri doonaa magaalada Muqdisho. Jaamacadda UPEACE waxay noqotay hay’addii ugu horeeyey ee ka jawaaba hindisaha  Madaxweynaha.

    Bishii Oktoobar ee sannadkii hore (2022), Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu daah-furay Hindisaha Dib-u-cagaareynta Qaranka. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan Soomaaliya si looga hortago xaalufka dhirta, waxna looga qabto saameynta ba’an ee isbadelka cimiladda, iyadoo ay haatn jiraan abaaro ba’an.

    Ujeedada koowaad ee Jaamacadda UPEACE waxay tahay horumarinta nabadda iyo wax ka qabashada colaadaha, saameynta isbadelka cimiladda kuwaasi oo sabab u noqda colaadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatada, sababtoo ah biyaha iyo daaqa oo yar” ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf, madaxa UPEACE oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo dhirta loogu wareejiyey wasaaradda degaanka.

    Agaasimaha Jaamacadda Upeace ee Soomaaliya Dr Maxamed Yuusuf (bidix) ayaa gacan qaadaya Dr Saciid Maxamed Cali oo ah kaaliyaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka isagoo ku wareejinaya geedaha ay Jaamacaddu ku deeqday.

    Dadaalka UPEACE ee ka qayb qaadashada hindisaha cagaareynta qaeanka ayaa ah mid la jaan qaadaya hindisaha Midowga Africa ee “Darbiga Cagaaran ee weyne” kaas oo looga gol leeyahay in dib loo  cagaareeyo 250 milyan oo hektar oo dhul ah oo xaaluf ah, laguna xoojiyo amaanka wadamada ay colaada ragaadisay isla markaasna lagu joojiyo Tahriibka.

    Soomaaliya, waxa haatan dhibaato ba’an ku haya mushkiladu ka dhashay isbadelka cimilada kuwaasi oo ay ka mid yihiin xaalufka dhulka iyo cunno yari, waxay caqabd ku noqdeen dhibaatooyinkan in la gaaro horumar waara Hindisaha Somali-cagaaran waxaa looga gol- leeyahay in xal waara laga gaaro caqabadaha ka jira dalka.

    “Anigoo ku hadlaya magaca maamulka sare ee Jaamacadda, waxaan u mahadcelinayaa Midowga Afrika iyo Ahay’adaha kale ee nagu taageeray howshan sharafta leh, waxaa naga go’an inaan dowladda Federaalka ku garab istaagno sidii ay u gaari lahayd hadafkeeda ah dalka la cagaareeyo, waana sababta aan hormuud uga noqonay hindisahan oo aan ugu deeqeyno boqolka kun ee geed ee ugu horreeya,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed Yuusuf.

    “Tani waa bilow wanaagsan iyo hindise aad u wanaagsan oo ay samaysay Jaamacadda UPEACE, anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Jaamacadda iyo Midowga Afrika deeqdan 100-ka kun ee geed ah” ayuu yiri Dr Siciid Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka.

    Wuxuu intaas ku daray “in deeqdan ay gacan ka geysan doonto hirgelinta qorshaha Madaxweynaha ee ah in boqol kun oo geed lagu beero Muqdisho. Dhiraynta Soomaaliya waa mudnaanta koowaad ee wasaaradda deegaanka, waxayna wax badan ka tari doontaa caqabadaha ka dhalan kara isbedelka Cimilada.

    Xaalufinta dhirta waa dhibaato meel kasta ka jirta, balse Soomaaliya arrintan waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn. Waxa sanadkii la jaraa ku dhawaad 2.5 milyan oo geed arrintaas oo u  nuglenaysay dalka saameynta isbadelka cimiladda.

    Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ka jira inuu Galgaduud Dagaal dhex marayo Maleeshiyo ka wada tirsan Alshabaab?
    Next Article Xasan Sheekh oo shaaciyey inuu Alshabab soo afjarayo 2023 iyo Xilliga Deyn Cafinta Somaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo